Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Wasiirka Waxbarashada JSL Oo Ka Waramay Hor-u-marka Wasaaraddiisu Gaadhay 2008.       Maxaad Kala Socotaa Pulhanka Pugland?!       ILAAHAY KAMA DHIGO E HADDII MAAMUL KALE YIMAADO DIB UDHAC BAY KU TAHAY S/LAND       Laba ( 2) Sarkaal Oo Si Gaadmo Ah Lagu Dilay Degmada Widhwidh/JSL.       Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Oo Ku Baaqay In La Soo Wada Fuulo Tareenka JSL.       Ethiopia begins withdrawal from Somalia       Bush Says \'One-Way Cease-Fire\' in Gaza Will Not Work       A Self-reliant Nation without International Recognition       Maalin Taariikhi Ah : Diiwaangelinta Codbixiyaasha G/Sool JSL.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M

Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
N
Nugaal
O

Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
Radiohargeysa
RadioSomaliland
Ra''yi press
radiohargeysalive
radiohargeysa24
radiohargeysa
Realpuntlander
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supperhero. Sir Omar Al-Hagi


Heesaha Hirgalay

Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

madaxweynaha jsl oo ku qabtay shir-jaraa'id xarunta madaxtooyada.

madaxweynaha jsl oo ku qabtay shir-jaraa'id xarunta madaxtooyada.

News


 Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta shir-jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, dhacdadii Argagaxisadu ka fulisay Hargaysa, Diiwaan-gelinta Doorashooyinka iyo arrimo kale oo badan.






Madaxweynaha Jumhuuriyada Somaliland, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: "Maanta waxaan jecelahay in aan waxoogaa si kooban uga hadlo dhacdadii halkan ka dhacday (Madaxtooyada), marka labaad, diiwaan gelinta oo hawl muhiim ah oo gobolkan Maroodi Jeex ka bilaabmaysa inaan ka hadlo. Marka ugu horeysa waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dadkii iyo ehladii dadkii falkaasi waxshinimada 29/10 dalkeena lagu soo qaaday ee lagu beegsaday madaxtooyada , xafiiskii Itoobiya iyo UNDP.

Tacsi ayaan u dirayaa marka ugu horeysa, Ilaahayna waxaan uga baryayaa kuwii dhaawac ka soo gaadhayna in uu caafimaad siiyo kuwii kalena ilaahay u naxariisto.

Laba, Waxa lagama maarmaan ah in aynu is xusuusino in falal argagaxisadu ay ku soo qaaday Somaliland, tii ugu horeeyay Baabuurkii UNDP 19/09/2002 wuxuu ka mid ahaa falalka argaxiso ee lagu soo qaaday dalkeena, nin u dhashay oo la odhan jiray Marin oo Huteelka Star lagu dilay 30-kii December, 2002 wuxuu ka mid ahaa falalkii Argagaxiso ee dalkan lagu soo qaaday, Analina 5/10/2003 , gabadhii Nursing ahayd ee Boorame lagu dilay, waxay ka mid ahayd falalkii argagaxiso ee lagu soo qaaday dalkan, waxa ku xigay 22/November/ 2003 falkii lagu dhacay lacagtii Wajaale, oo ninkii shalay qiranayay ee aniga ayaa ka dambeeyay waxan lahaa Ina Cabdi Godane uu madax ka ahaa, waxa ku xigay dilkii gabadhii Reer Kenya 19/03/2004 oo Diin qal laga fuliyay, waxa xigay hawl galkii la doonayay in wax lagu yeelo doorashadeenii Baarlamaanka ee 22/Septemper/2005, waxaas oo dhan waxa ay ahaayeen falal argagaxiso oo lagu beegsanayay in Somaliland lagu khalkhal geliyo, maadaama ummadani waxyaabo badan dedaal badan ay samaysay oo aan odhan karo kuwa sheegta Al-Shabaab Al Shayaadiin ayaan anigu u aqaanaa ay rabaan in Somaliland kala mid dhigaan meelahaa waxyaabaha ka dhacaya.
 
Waxaan xusuustaa Berrigii u horeysay ee lamaanihii Sheekh la dilay iyo Analina oo ahayd 2003 in aan idhi falalkaasi waa argagaxiso, oo dadku la yaabanaayeen oo ay lahaayeen maxaa dalkeena argagaxiso loogu sheegayaa, waxa xusuus mudan, waayo qofku haddii uu iska dilayo dad bini'aadan ah oo aan wax dambi ah gaysan, magac kale oo markaa loo sheegi karo oo aan argagaxiso ahayni maanta run ahaantii ma jiro, adduunkaa waad ogaydeene saddexdii maalmood ee u dambeeyay Bombia wixii ka socday, Maraykan tii ku dhacdayy waad ogaydeen 11 September.

Maxaa laga bartay?! Waxa la is weydiiyaa mar-marka qaarkood, waar waxan dhacaya maxaa wax looga qaban waayay?! Waa su'aalaha laga yaabo dadkeena ku soo noq noqdaan. Markii la qiimeeyay xaaladahan dhacaya, waxa lagu qiimeeyay waxani ma la ogaan kari waayay, maxaa looga hor tagi waayay, waa waxaanan ku soo dhici karaynin maskaxda bini'aadamka waxyaabahaasi in ay dhacayaan"!


Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, "Waxa aanu ku dedaali doonaa xukuumad ahaan bal in tayada aqoonta ciidamada amniga kor loo qaado, si ay baraarug u yeeshaan lagaga hor tago dhacdooyinkan. Tii Baarlamaankeena nasiib wanaag waxa inoo suura gashay in aynu sii ogaano laga sii hawl galay, waxa la sii ogaado waa laga hor tagi karaa, laakiin waxa aan la sii ogaan dhibaatadiisa ayay yeelanaysaa in laga hor tago"!

Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar uu ka hadlayay baadhistii halka ay marayso waxa uu yidhi, "Baadhistii meel fiican ayay maraysaa, waxba waxaasi fal ee dhacay way ku jireen dad shisheeye ahi inaga ayaa u badnayn mar kastaba dadka samaynayay, dad inaga ah oo la duufsaday way jiraan oo quraankaa shaydaanka ee diinta Islaamka aan ku jirin loo akhriyay ayaa falalkaasi inta badan adeegsaday. Somalidu waxa ay ku maah maahdaa, "Gudin yahay imaad goyseen haddii aanu badhkay kugu jirin"!

Ninka is qarxiyay ee Hargeysa inoogu yimid hadaanan inagu qarinayn oo aan alaabta u soo ururinayn ma dhici karteen in uu inagu qarxo, waxa markaasi loo baahan yahay shacbiga Somaliland in kuligeen soo wada jeedno , kuligeen Booliis wada noqono ayaa loo baahan yahay oo waxyaabahan ka dhacaya caalamka aragti mid ah oo wadaniyad ah, aniga oo aad ugu amaanaya shacbiga Somaliland in ay mar kastaba aragtidaasi leeyihiin oo mar kastaba falalkaasi dhacayay gacan ka gaysteen aad ayaan ugu amaanayaa.

Run ahaantii waxa aan soo jeedinayaa maanta in aanu baraarugeena ku ka weyn aynu qaadano , wakhtiyadaa ay dhacayeen waxay ahayd wakhtigii ugu horeeyay ee doorashooyinka dawladaha hoose samaynay, yacni waxa la inoo diidayaa in aynu dawlad noqono ayaa la inagala dagaalamayaa, falalkaasi oo dhami waxa ay dhaceen wakhtiyadii doorashooyinkii dawladaha hoose ee ugu horeeyay aynu bilownay ayay dhaceen 2002, 2003 ee tii Madaxtooyada aynu bilownay, waxaan xusuustaa berigii aan Ingiriiska tegayay 13/March/2004 ayaan halkan ka baxay, habeenkii aniga oo Addis maraya ayaa waxa la ii sheegay xabaalihii halkaasi ee Ingiriisku ku aasnaa dagaalkii labaad in habeenkaasi la jajabiyay, maalintaa Diinqal lagu dilay qoladaasi ee halkaasi loo galayna waxa ay ahayd maalintii aan Baarlamaanka Ingiriiska ka hadlayay, waad garan karaysaa markaa in aynu Taarget nahay oo dagaal inagu socdo loona jeedo in qaranimadeenan iyo jiritaankeena in dagaal loola jeedo aniga oo shakhsiya ama qof kale oo shakhsiya, waa dagaal loola jeedo Somaliland iyo nabadeeda.
 
Shacbiga waxa aan u soo jeedinayaa oo aan halkan u marinayaa (Saxaafada) in ay sidaasi u ogaadaan".

"Waxa muuqata oo jirta oo aan maanta inaga qarsoonayn , caruurteenii oo magaalo kasta laga kaxeeyay, inamadaasi Shayaadiinta inaga noqday ee Koonfurta jooga Afqaanistaani iyo Ina Cabdi Godane ay madaxda ka yihiin ayaa caruurteena halkan ka gaxeeya oo halkaasi jooga oo la lugooyaa oo qaarna halkaasi ay ku dhintaan qaarna la inoo soo tababaraa oo la inoo soo celiyaa.

Waxa muuqata oo aan jecelahay fariintan ka gudbiyo in dad waaweyn oo xitaa culimadeenan waaweyni ku jiraan caruurtoodii qaar ay Kismaayo iyo Xamar ku maqan yihiin, ma odhan karo iyaga ayaa diray, laakiin way ka baxsadeen, waxaan leeyahay geesinimo yeesha aad dawlada ku soo ogaysiisaan, haddii aad u yeelan waydaan waxa aanu u qaadanaynaa in aad raali ka tihiin. Ninkii soo sheegi waaya inuu raali ka yahay ayaanu u qaadanaynaa".

Madaxweynuhu waxa uu shirkiisa jaraa'id ugu mahad naqay dalal badan oo ay ka mid tahay dawladda D'Jabuuti , waxana uu yidhi, "Waxa aan halkan uga mahad naqayaa Dawlada Jabuuti iyo Madaxweynaha D'Jabuuti, oo run ahaantii dhaawaceeniina gacan ka gaystay, ahaana Madaxweynihii markii ugu horeysayba ila soo hadlay telefoon igula soo hadlay isla galabtiiba, run ahaantii ballana qaaday in uu wax badan ka tari doono. Waxa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa dhamaan dalalka caalamka kuwo badan oo ka soo jawaabay tacsina ka soo diray wixii inagu dhacay".

Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar uu ka hadlayay Baaqyo iyo taageero uu u diray Beesha Caalamka waxa uu yidhi, "Waxa kale oo aan halkan idiinka sheegayaa in aan u gudbiyay Beesha caalamka Baaq iyo taageero in ay inaga siiyaan sidii aynu ula dagaalami lahayn cadowgan Bini'aadamka, maanta caalamku cadow isku mid ah ayuu yeeshay, haddii uu awal kala duduwanaa waxaad moodaa in caalamkii cadow isku mid ah yeeshay. Waxaanan rajaynaynaa in loo sameeyo ciidan gaar ah oo si gaar ah loo tababaro oo la dagaalama haddii uu Ilaahay yidhaahdo.
 
Waxa argagaxisada noqday ee shayaadiinta noqday sidii loola dagaalami lahaa haddii Ilaahay yidhaahdo"!

"Waxa kale oo aanu diyaarinay sida distoorkeenu dhigayo qodob-ka Tobnaad Farqadiisa 7-aad in argagaxisada nooc kasta oo ay tahayba aynu la dagaalano, sidii argagaxisada lagula dagaalamayayna waanu diyaarinay, Golaha Baarlamaanka ayaanu u gudbin doonaa haddii uu Ilaahay yidhaahdo. Waayo waa in sifo sharci ah lagula dagaalamaa waxani socda oo shareecadeenana ku fadhiya, distoorkeenana ku fadhiya, kaasina si deg deg ah ayaanu Golayaasha Qaranka ugu gudbin doonaa.

Waxa inagu badan had iyo jeer waar tol iyo ilmaadeer baa inagu badan, ninka isku kaa qarxinaya horta tol kulama aha, waa in ay kala baxdaa tolka ninka aynu nahay waa ninka ogol in ay Somaliland jirto, waa ninka ogol in dadka Somaliland nabad galo, waa ninka ogol in aynu nabad ku noolaano hourumarna aynu ku naaloono, ka inaga soo hor jeedaa inala tol ma aha, inalama qola maaha, waa in aynu la dagaalanaa, dhamaanteen inaga oo meel uga soo wada jeedna in aynu la dagaalano ayaa inala gudboon".
 
"waxaanan aaminsanahay oo aan kalsooni ku qabaa in ummada Somaliland dagaalkan ka guulaysan doonto, cadow kasta oo isku daya in uu tabahaa soo maleego". Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynuhu arrinta diiwaan gelinta doorashooyinka oo Berri ka bilaabmaysa Gobolka Maroodi Jeex waxa uu yidhi, "Waxaan jecelahay in aan ka hadlo arrintan diiwaan gelinta, ka mid ayay ahayd waxyaabaha taargatka la inooga dhigtay. Waayo marxalad marxaladii hore ka horumarsan ayaynu marba ku tallaabsanaynaa. Shalay doorasho caadi ah ayaynu galnay, maanta mid ka weyn oo diiwaan gelin ah oo Voter Registration ah oo ID Card leh. J. Somaliland waa markii ugu horeysay oo ay ID Card yeelato. Jinsiyadeeda la xaqiijiyo ayay ahayd, waa dagaal markaasi ujeedo badan leh.

"Waxaan u soo jeedinayaa shacbiga Somaliland maanta weliba Gobolka Maroodi Jeex diiwaan gelintaa in aynu dhamaanteen Booliis ka noqono, ilaalino oo aynu u shaqayno sida ugu wanaagsanm oo aynu cadowgeena tusno in ummad qadiyadeeda ku adag aynu tusno, oo aan liic liici Karin, oo aan la hadidi karayn, oo aan wadadooda ka leexanayn in aynu nahay in aynu muujino ayaan shacbiga u soo jeedinayaa".

Waa markii u horeysay oo dalka intiisa badan doorasho ka dhici doonto haddii ilaahay yidhaahdo, taariikh cusub ayaynu galaynaa, dedaalkeenu ma yara, markaasi kuligeen waa in aynu indhaheena furno, baraarug aynu samayno , wadaniyadeenana kor loo qaado ayaa loo baahan yahay, dhibaato kastana waxa aan aaminsanahay in aynu geesinimo kaga gudubno, dedaal, isku dubnaan in aynu kaga gudubno, shacab iyo xukuumadba haddii uu Ilaahay yidhaahdo".

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Mar uu la hadlayay Dawlada, Asxaabta Qaranka iyo shacbi weynaha waxa uu yidhi, "Waxa aan ku boorinayaa dhamaan Dawlada, Asxaabta Qaranka, Shacbi weynaha in aynu suurto gal ka dhigno in aynu la shaqayno komishanka Doorashooyinka Qaranka si ay meel mar u noqoto hawsheenaa maanta inoo socota oo gacmaha is wada qabsano oo ka wada shaqayno haddii uu Ilaahay yidhaahdo".

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay wefdi wasiiro ah oo uu u diray dalal aynu jaar nahay waxa uu yidhi, "Waxa hadda ku maqan dalalka aynu jaarka nahay ilaa Kenya Wasiirkii Qorshaynta iyo Wasiirkii Arrimaha Dibada, iyada oo aan u diray, waad maqlayseen in Wasiirkii Qorshayntu sheegay in la yidhi Securtiy-gii Somaliland ayaa hoos loo dhigay, waa arrin la yaab leh, markii hore ayaynu dulmi ku qabnay ayaan leeyahay heerka ay UN-tu ku qiimaysay Somaliland, markii hore heerka ay ku qiimeeyeen inay dulmi ahayd ayaan aaminsanahay, arrintaasina waa arrin aynu ka dacwiyayno, mid aynu aqbli doonina maaha.

Waxa ballan qaadi doonaa xukuumad ahaan dadka martida inoo ah sida Itoobiya, UNDP iyo ajnabiga kale ee dalka maal gashanaya in amnigooda xoojino, oo il dheeraad ah oo tii hore ka toban jibaar ah inaanu iska saarno".

Ugu danbayntii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Mar uu la hadlayay UN-ta waxa uu yidhi, "Waxaan ugu baaqaynaa UN-tu in ay ka noqoto go'aankaasi oo aan leeyahay waa go'aan aan laga fiirsan, oo aan ku dhisnayn xaqaa'iq"

Madaxtooyada JSL.


Posted on Monday, December 01 @ 00:17:18 EST by admin



madaxweynaha jsl oo ku qabtay shir-jaraa'id xarunta madaxtooyada. - madaxweynaha jsl oo ku qabtay shir-jaraa'id xarunta madaxtooyada.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.