Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Wasiirka Waxbarashada JSL Oo Ka Waramay Hor-u-marka Wasaaraddiisu Gaadhay 2008.       Maxaad Kala Socotaa Pulhanka Pugland?!       ILAAHAY KAMA DHIGO E HADDII MAAMUL KALE YIMAADO DIB UDHAC BAY KU TAHAY S/LAND       Laba ( 2) Sarkaal Oo Si Gaadmo Ah Lagu Dilay Degmada Widhwidh/JSL.       Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Oo Ku Baaqay In La Soo Wada Fuulo Tareenka JSL.       Ethiopia begins withdrawal from Somalia       Bush Says \'One-Way Cease-Fire\' in Gaza Will Not Work       A Self-reliant Nation without International Recognition       Maalin Taariikhi Ah : Diiwaangelinta Codbixiyaasha G/Sool JSL.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M

Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
N
Nugaal
O

Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
Radiohargeysa
RadioSomaliland
Ra''yi press
radiohargeysalive
radiohargeysa24
radiohargeysa
Realpuntlander
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supperhero. Sir Omar Al-Hagi


Heesaha Hirgalay

Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

argagixisadii 29/10 waxay xasuusisay jsl duqayntii hargeysa 1988kii. qyb. 2aad.

argagixisadii 29/10 waxay xasuusisay jsl duqayntii hargeysa 1988kii. qyb. 2aad.

News


 Sidii lagu xusay gebegebadii qormadii hore ama qaybtii 1aad, aqoon-yahannada Kulankii UDUB/UK ee Cardiff warbixinada ka soo jeediyey waxaa ka mid ahaa Mj. Iid Cali Salaan oo maalintii falalkii argagixisadu dhacayeen ku sugnaa goob aan ka durugsanayn meelaha ay isku qarxiyeen argagixisadu!





Argagixisadii 29/10 waxay JSL xasuusisay duqayntii Hargeysa 1988kii. Qaybtii 2aad ee warbixinta kulankii  UDUB/UK ee Cardiff.




Sidii lagu xusay gebegebadii qormadii hore ama qaybtii 1aad, aqoonyahannada Kulankii UDUB UK ee Cardiff warbixinada ka soo jeediyey waxaa ka mid ahaa  Iid Cali Salaan oo maalintii falalkii argagixisadu dhacayeen ku sugnaa goob aan ka durugsanayn  meelaha ay isku qarxiyeen argagixisadu. Mudane Iid waxa uu shirka uga xog waramy arrimaha Somaliland halka ay marayeen argagixisada horteed iyo wixii dhacay Arbacadii Oct 29, 2008 iyo saamayntooda guud ahaanba.  Mudane Iid Cali Salaan wuxuu yidhi:” maalintaa waxaan joogay Dhakhtarka weyn ee Hargeysa. Sanqadho Argagax leh iyo qaraxyo is daba joog ah iyo gariir xoogweyn  ayaa meelo aan naga durugsanayn ka dhacayey . Xaaladdii deganayd ee magaalada  iyo noloshii caadiga ahayd ee subaxnimo ayaa mar kaliya isu bedeshay jaha wareer iyo dhiilo colaadeed.

Waxa kacay dareenkii shacbiga JSL oo waxa la xasuustay duqayntii Diyaaradihii Siyaad Barre ee Magaalada Hargeysa iyo dagaalkii 1988kii. Markiiba waxaa cusbataalka laga soo buuxiyey dadkii qaraxyadaas wax ku noqday. Xaaladdii Dhakhtarka ayaa buux dhaaf noqotay, dhimasho, dhaawacyo xun xun iyo dhiig qulqulaya ayaa meel walba qariyey. Rag, Haween iyo Dhalin yaroba waa lawada gurmaday oo qof waliba wixii uu qaban karayey ayuu qabtay mid qof dhan oo dhaawaca soo qaada, qaar keena dad qaraxyadii kala gooyeen iyo qaar gurmad iyo taakulayn kale bixiya iyo xukuumadda oo iyana waajibaadkeedii gudata.  Dhaqankii lagu yaqaanay Somaliland marka la dhibaateeyo ayaa soo baxay. Qofkii yidhaahda waxba lama qaban ama waa la qaban kari waayey wuu iska hadlayaa ee yaan la dhegaysan ayuu yidhi Iid Cali Salaan.

Wuxuu xusay mudane Iid in isaga Shaqadiisa iyo hawlihiisu ay u badan yihiin xagga samofalka, horumarinta iyo cilmi baadhista sidaa darteedna isaga oon cidna u xaglinaynin uu cadaynayo in Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya ee UDUB iyo shacbiga Somalilandba ay wax badan qabteen oo horumar la taaban karo la samaynayey marba marka ka dambaysa.

Waxaan hore u tagay Somaliland sannadkii 2006kii, markaad eegto isbedalka ka dhacay  wuxuu ahaa qayral caadi. “It was Amazing”. Ayuu yidhi Iid. Dhaliisha ay guud ahaan Reer Somaliland leeyihiin waxa ay tahay iyaga oo aan dunida kale iyo caalamka gaadhsiinin kana dhaadhicin waxa ay qabsadeen oo run ahaantii cajiib ah. Anigu waxaan la shaqeeyaa Ajenabi, qaar kalena shirar ayaanu isugu nimaadnaa waad la yaabaysaa markay kaaga waramaan Somaliland iyo waxa ay qabsatay ee aan dadkeenna inta badan u muuqan. Intii qaraxyada ka horaysay dadka iyo haydaha kala duwan ee Somaliland haday noqon lahayd dawladda, xisbiyada mucaaridka ah iyo golayaashaba khilaaf baa hadheeyey.



Shicibka laftiisa, baayaca mushtarka, adhiilayaasha, bakhaarlayaasha ama guud ahaan  Somaliland waxa ka jiray muran iyo khilaaf ay iyagu uun isku mashquuleen oo adeegii iyo dantii dalka ayaa istaagiba gaadhay. Taas ayaanad moodaa in qolada argagixisada ahi ay ka faa’iidaysteen. Dhacdadii  argagixsada ee 2910 2008 way inna midaysay oo mucaarid iyo muxaafidba meelbaa looga soo wada jeestay danta dalka iyo difaaciisa. Waxaana la fahmay ujeedooyinka  argagixisada iyo cadowga JSL oo ah:
 
1. In Somaliland dib uga noqoto qarannimadeeda iyo geedi socodka ay ugu jirto baadigoobka  Aqoonsiga caalamaiga ah ee ay xaqa u leedahay. 

2. In fajac iyo argagax lagu rido bulshada caalamiga ah oo a Somaliland looga yaaco nabad galyo daro oo la yidhaahdo tanna waxay la mid noqotay Somaliya oo sidaana loo arko.

3. In dadka Somaliland Jahawareer lagu rido oo iyaga dhexdooda kala shaki iyo khilaaf ku yimaado oo qoloba qolada kale ka hor timaado amaba lagu gadoodo dad aan waxba galabsan oo iyaguba argagixisada Somaliya ka soo qaxay. 

Mudane Iid Cali Salaan wuxuu intaa ku daray in dadka Somaliland looga baahan yahay inay kala gartaan nacabkooda iyo nasteexooda. Maanta Somaliland meel wanaagsan ayey maraysaa gudaha iyo dibadaba.

Tusaale ahaan gobalada Bariga maamulka Somaliland baa la gaadhsiiyey. Dhinaca Djiboutina xidhiidhkeennu wuu hagaagay waana lagu wada diirsaday labada dhinacba. Rag badan oo Djibouti xagga siyaasadda kaga jira iyo qaar kale oo xagga baayacamushtarka kaga jiraaba waa dad lawada garanayo oo Somaliland wax la wada.

Abaal badan ayeynu isku leenahay Djibouti waana dad aynu wada dhalanay oo aynu jaar nahay oo ma kala maarmi karno. Madaxweynaheenu si wanaagsan ayuu yeelay markii dhibaatadu ku dhacday ee Eriteria soo weerartay, Madaxweynaha Djiboutina si wanaagsan ayuu yeelay markii argagixsadu ina soo weerertay. Laakiin waxaa loo baahan yahay inaan arrintu ku koobnaan Siyaasadda iyo Madaxda oo kaliya ee waa inay dadkuna ka wada shaqeeyaan sidii loo sii horumarin lahaa xidhiidhkaa aadka u wanaagsan ee jira ee aan qoraaladayda kaga waramay haddii aad aragteen.

Mudane Iid Cali Salaan wuxuu tilmaamay in waxyaabaha ay Somaliland cadowgeeda kaga guulaysan karto ay ka mid yihiin: Iskaashiga, wada shaqaynta, Isu tanaasulka iyo Is tixgalinta, kala dambaynta. Mudane Iid waxa uu xasuusiyey shirka in Raysal Wasaarihii hore ee Ingiriiska Mr. Tony Bliar uu ku dooday mar uu horumar la’aanta Afrika ka hadlayey in gumaysigii kala duwanaa Afrika dhaqankii ka baabi’iyey. Mudane Iid warbixintiisa wuxuu ku soo gunaanaday: arrintaas Raysal wasaaraha wax baa ka jira oo Somaliland dhaqankeeda oo aan la soo fara galin ayaa la odhan karaa waa ka sababta u ah in ay Somaliya iyo Afrikada inteeda kaleba ka duwanaato oo tusaale loo soo qaato maanta.



Safiirka wareegga ee JSL Mudane Dr. Maxamed-Aar Cabdillaahi Maxamed ayaa isaguna shirka ka soo jeediyey warbixin ka hadlaysa siyaasadda arrimaha dibadda ee JSL iyo halka uu marayo geedi socodkii Somaliland ugu jirtay baadi goobka Ictiraafka iyo Aqoonsiga caalamiga ah ee ay xaqa u leedahay. Mudane Maxamed Aar waxa uu iftiimiyey horumarka laga sameeyey dhinaca siyaasadda, arrimaha dibadda, waxaanu sheegay in waddamo badan ay maanta qaddiyadda Somaliland ka dhaadhacday oo qaaradaha adduunka aynu ku yeelanay waddamo, hayado iyo shakhsiyaad caana oo inoo dooda taas oo soo dhawaysay Aqoonsiga Somaliland.

Sidaa darteed su’aali kama taagna in Somaliland la Ictiraafayo. Mudane Maxamed Aar isaga oo ka waramaya waxyaabaha xaqiiqada ah ee uu soo ogaaday ama soo taabtay intuu hawsha ku guda jiray waxa ka mid ah qoraalo dad caan ah ama aqoon yahano Somaliland u dhashay sheeganayaa ay u soo gudbiyeen dublamaasiyiin shisheeye iyo qaar ka mid ah madaxda waddamada uu booqashooyinka ugu tago si uu ugu ololeeyo Aqoonsiga Somaliland, qoraaladaas oo ay kaga soo horjeedaan qaddiyadda ama aqoonsiga JSL iyo waxyaabaha kale ee caawimaad ah amaba iskaashi  ah ee la doonayo in lala yeesho xukuumadda JSL. Waxyaabo ceeb ku ah dhaqamada iyo ilbaxnimada ummado farabadan oo adduunka ku nool ayaa qaar ka mid ah Somalidu ku faantaa inay sameeyaan.Waxyaabaha lay waydiiyey waxaa ka mid ah dadkiinu miyaanay kala aqoonin mucaaridnimada xukuumadda iyo waxyaabaha qarannimadiina dhaawacaya?

Calaa kulli xaal maanta qaddiyadda Somaliland waxay gaadhay heer aan qoraallo iyo falal argagixiso toona laysku hortaagi karin dadkana aan lagu niyad jebin Karin ilaa SNM tiina way jireen qolooyin ka soo hor jeeda rabitaanka shacbiga Somaliland laakiin waxa xaqiiqo ah in laga guulaysto mar walba qolooyinka sidaas u fakiraya sida ku cad taariikhaha halganka iyo baadigoobka xuquuqaha shacbiga ayuu yidhi mudane Maxamed Aar. Looma baahna in wax walba oo guul ah oo xukuumadda JSL xagga Ictiraafka ka soo hoyso in la sheego ama aad loo faahfaahiyo oo waa arin ka baxsan hab dhaqanka dawladnimo ama dublamaasinimada ee waxaan idiinku bushaaraynayaa ayuu yidhi Safiirku:

In maanta waddamada quwadda ku leh Qaaradaha dunidu ay qorshaha xukuumadda iyo shacbiga Somaliland taageersan yihiin. Sidaas oo ay tahay hadana ciddina waxba bilaash iskuma siiso ee dano ayaa lays waydaarsadaa ee boqolaalka kun ee Somalilanders ka ah ee ku nool Yurub iyo waqooyiga America haddii ay fadhiga ka kacaan oo iyaga oo midaysan ka qayb qaataan ololaha xukuumadda JSL ugu jirto Aqoonsiga caalamiga ah ee JSL waxaa hubaal ah in sida ugu dhakhsaha badan loo aqoonsan doono Somaliland ayuu warbixintiisii Mudane Maxamed Aar Cabdillahi ku soo gunaanaday.                    

Go’aannada iyo talooyinka ka soo baxay kulanka oo ah qaar wax tar inoo leh dawlad iyo shiciba waxaanu ku soo qaadan doonaa qaybta 3aad oo aynu ku soo afjari doono qodobkan ku saabsan kulankii UDUB iyo Cardiff, Wales UK ee 23 Nov 2008.

Illaahay Baa Mahad leh.

Axmed Naasir Xirsi Maxamed
Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com

Posted on Sunday, November 30 @ 14:41:48 EST by admin



argagixisadii 29/10 waxay xasuusisay jsl duqayntii hargeysa 1988kii. qyb. 2aad. - argagixisadii 29/10 waxay xasuusisay jsl duqayntii hargeysa 1988kii. qyb. 2aad.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.