Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Madaxweynaha JSL Iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaran Oo Hal Goob Iska Diwaangali       Obama announces his security team, with Clinton as secretary of state.       Mj. Axmed Siilaanyo Oo JSL Ugu Baaqay In Ay Argagixisada Kaga Arrgutaan Diiwaang       Gobolka Maroodi-Jeex Oo Saaka Si Rasmi Ah Loogu Dareeray Diiwaangelinta Codbixiy       Somali pirates to free Yemen cargo ship       Markabkii Yemen Oo Aan La Sii Dayn. Qaxoontiga Somalida/Yemen Iyo Mudahaaraad.       Madaxweynaha JSL Oo Ku Qabtay Shir-Jaraa'id Xarunta Madaxtooyada.       Argagixisadii 29/10 Waxay Xasuusisay JSL Duqayntii Hargeysa 1988kii. Qyb. 2aad.       Faallo mal leh...No Comment... Keine Kommentar... No Coment...Biduun tacliiq...P      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M

Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
N
Nugaal
O

Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
Radiohargeysa
RadioSomaliland
Ra''yi press
radiohargeysalive
radiohargeysa24
radiohargeysa
Realpuntlander
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supperhero. Sir Omar Al-Hagi


Heesaha Hirgalay

Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk

mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk

News


 Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Kulmiye Md. Axmed (Siilaanyo), ayaa si adag u naqdiyay hadalo uu sheegay in ay Xukuumadda JSL  beryahan dambe caadaysatay, isla markaana waxa uu waxaan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay in ay dawladu dalka dhibaatooyin u horseedo. Isaga oo xusay in ay dawladu ka warwareegayso...



Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si adag u naqdiyay hadalo uu sheegay in ay Xukuumadda Somaliland beryahan dambe caadaysatay, isla markaana waxa uu waxaan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay in ay dawladu dalka dhibaatooyin u horseedo. Isaga oo xusay in dawladu ay ka warwareegayso fulinta heshiisyadii ay dhawaan Mucaaridka la gaadhay.

Axmed-siilaanyo waxa uu ku dooday in ay dalkan halgan iyo dhibaatooyin badan u soo mareen, qori iyo dagaal qadhaadhkiina aan ciddi uga waayo-aragsanayn. Guddoomiyuhu waxa uu sidaa sheegay mar uu shalay ka hadlayay Madal kulmisay Muxaafid iyo Mucaarid oo ahayd Xaflad loo sameeyay 250 Arday oo Jaamacadda Hargeysa ka qalin-jabiyay.

Md. Siilaanyo waxa uu sheegay in horumarka dalka Somaliland gaadhay ee dhinacayda nabadgelyada, dimuqraadiyadda, dib-u-dhiska iyo ka hortaga falalka waddanka lagu shirqoolayo ay ammaantiisa leeyihiin shacbiga reer Somaliland. “Haddii aynu run ku hadalno innaga oo intaas oo dhan ku faanayna, ma qarin karno inuu madmadow badani inaga muuqdo, waxa inoo muuqda doorashooyinkii oo dhawr jeer dib-u-dhacay, taas oo masuuliyadeeda aannu saarayno dawladda ku meel-gaadhka ah ee maanta taagan, waayo maamulka inoo dhisani maaha kii aynu dooranay ee shantii sanno way ka dhammaatay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.

Isla markaana isaga oo ka hadlaya heshiiskii ay dawlada iyo Axsaabta Mucaaridku dhawaan ka gaadheen khilaafkii siyaasadeed ee dalka gil-gilay, waxa uu yidhi, “Heshiiskii berigii dhaweyd aannu gaadhnay ayaanu ku heshiinay in dawladdu ku meel-gaadh doorashooyinka ina gaadhsiisa noqoto, laakiin maanta qodobo badan oo heshiiskaa ka mid ahaa oo dunida iyo caalamku nooga makhraati, oo ay ka mid ahaayeen, sida in aannu Guddiyo samaysano dawladdii aad bay uga warwareegaysaa hirgelinteeda oo way muuqataa.”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Xukuumadda ku eedeeyey inay dalka ugu yeedhayso ballaayo aan joogin, taas oo uu tilmaamay in ay tahay mid aan la aqbali Karin. “Waxaanan maanta dawladda ka akhrisanaynin dacaayadaha ay iyadu dalka ku wado, dunida maanta waxa ka socda dhibaatooyin farabadan oo aynaan doonayn in ay saamayn inagu yeeshaan. Haddii haddaba inagu isku soo hoggaamino dhibaato oo aynu dalkeena ku bixino in argagixiso ka socoto oo ay dawladda afkeeda ka soo baxdaa ma xalaal baa? Mayee maaha ee waa xaaraan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Axmed-siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu inta ku daray oo uu yidhi, “Waxa la soo qaadqaadayey oo dawladdu had iyo jeer sheegtaa baabuur baa kurta la jaray, horta baabuurta madaxa la jaray anigu indhahayga kuma arag weli wax arkayna ma arag, marmarka qaarkood waxaan is idhaahdaa waa la abuurayaa, laakiin waxaan halkan ka caddaynayaa waxaan maqlayaa dad loo duur-xulayee anigu waxaan ahaa ninkii 80 cod oo weliba boobka iyo tuugada ahaa kaga tagay nabadgelyada dalka ilaalinteeda.”

“Aniga, Xisbigayga iyo inta iga tala-qaadataa halgan hore ayaanu u soo marnay qadhaadhkiisana waanu naqaanaa, xabbadi waxay tahayna waanu naqaanaa maanta cod baanu wax ku doonaynaa ee xabbad wax ku dooni mayno. Haddii waxaa la sheegayaa jiraan waanu dhaleecaynaynaa shuqul aannu ku leenahayna ma jiro, wixii la socdana dagaal baanu ka xignaa in aannu ku qaadno weliba. Uma baahnin oo taageerada dadka ayaanu haysanaa oo aannu hubno in aannu doorashada ku helayno. Maxaa iskaga af-dhigay dawladdeenii dalka xukumaysay iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland ee lahaa argagixiso ayaa Somaliland joogta ee qolyihiinii wax bam garayn jirtay kaalaya na bam gareeya miyaa, waa wax laga xishoodo.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Source: Hadhwanaagnews.com

Posted on Tuesday, August 19 @ 17:39:08 DAVT by admin



mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk - mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Daanbari
Subject : Re : mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-19
Marka Xaajigii waa khalaas, wuxuu marayaa in uu feedh soo duubto markuu arkay in ay walba nacday xisbigii nacay markuu qabyaalad ku maamulay, ummaddii nacday markay aragtay qabyaalada uu aqoonsan yahay ugu danbayntiina reerkii nacay markay arkeen uu lana shir yimid aniga awgey iyo si ay madexnimo u leh u dagaalan isku hubee gawaadhidan madaxa jara. Arinkaa waxa ka diiday intii beesh wax kal garanaysay oo u badan nimanka reer Maakhirka ah ee ilbaxa ah waa Muse Abokor iyo qaa kale oo si toos ah ugu yidhi Xaaji in badan baanu ku daba soconay oo iibsami weydey imika adiga awgaa dalka iyo wajaqe loo galin maayo qof iyo qarana qaran baanu raacnay.

Imika rajadu waa ninkan Ina Cali Xirsi oo guulaysta.

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-19
RIYAALE: KING RAT OF SOMALILAND:

Dahir Riyaale Kaahin, Boqorka Jiirka Somaliland ahna Hogaamiya Xisbiga talada haya ee UDUB, waxa keliya ee uu ku wanaagsan yahay, waa sheegida beenta qaawan, balan qaadka madhan, wacad furka, xaalad abuurka, yooyootanka, ku tumashada Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, wareegto ayaan soo saarey oo hebel baan xilkii ka qaaday iyo hebel baan xilkii u magacaabay, bootada ah aniga waa la I soo doortay iyo aniga…aniga…aniga sida aniga ayaa riiga keenay, iyo boobka hantida ummada iyo dalka oo keliya.

Intaas keliya weeye inta uu ku takhasuusay, wax kalena, ma yaqaan waayo waa ka xitaa Riig xun oo aanu lahayn caruurtii haraadanayd ku leynaya.

Waxa se, ka liita kuwa wax mooday ee soo doortay ee weliba kabo qaadka u ah kuwaasoo mijin jaad oo ureysa oo quudheed oo gebigeeduba joogta hal doolar loo soo tuuro sida lafta eyga loogu soo tuuroo laguna amro inay SNM, Mujaahidiintii dalka xoreysay, Xisbiga KULMIYE, Mas’uulinta kale ee ummada iyo dalka miisanka iyo maqaamka ku leh, beelaha qaar iyo degaanadoodaba, ay halkan iyo goobo kaleba si shaqsi ahaaneed iyo wadar ahaaneedba uga soo jeediyaan aflagaado joogto ah oo badheedh ah oo gunnimo ah.

Bal, han yaraantooda eeg! Bal, eeg waxa ay ku if iyo aakhiro seegayaan intuu le’eg yahay!!

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-19
Riyaale Faqash: The Cancer that ails the people and the State of Somaliland!!

According to appearances, what started out in 2003 as a tiny and negligible swelling commonly known as Riyaale Pimple Syndrom on the body of the government and State of Somaliland, have grown ten-fold in time, to become a big malignant and invasive growth or tumour, which is currently threatening and endangering the life and welbeing of the proud, noble, cultured, and intrepid people and the State of Somaliland.

This Riyaale Faqash Cancer needs an immediate emergency medical attention and remedy to reverse this deadly disease before it mutates or spreads destructively and severely affects the entire people and State of Somaliland.

In fact, it is a matter of life and death. Therefore, neglecting this disease any further and not acting quickly to remove this dangerous type of Cancer disease in Somaliland, before it is too late, it will be too painful and costly in both short and long terms particularly to our hard won independence, freedoms and liberties, human rights, democratic system and processes, the Constitution and the laws of the land, key national institutions such as the Executive Branch, Legislative Branch, and Judiciary Branch of government, civil society organizations, general aw and order, peace and security, stablility and territorial integrity of the country, amicable coexistence of the citizenry, efforts towards developing an effective and efficient public and private sectors, the struggle to achieve sustainable development on all aspects of life and the upward mobility of the citizenry, sound political; economical, and social standing, the the good image of Somaliland, the efforts towards attaining an international political recognition, and the just cause and existence of Somaliland.

As a result, the Cancerous Riyaale Faqash Disease must be surgically removed now, with or without election in the public and national interest. And following the successful removal of this serious cancer, we must immediately embark on the rehabilitation, transformation, and reformation of entire people, government, and the State of Somaliland in order to heal, once and for all.

Victory and Liberty,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-20
The current state of UDUB Party:

· We know that UDUB party is seriously fragmented, disunited, and can no longer be considered as a viable party worthy of a national political party that it once used to be during the reign of it’s late founder, Hon. M.I. Egal, the previous president of Somaliland. Sadly, this party has been hijacked and broken up into four segments, which are commonly known as the Egal UDUB (the original party), the Riyaale UDUB (the new and derailed one-man show party), the Gaboose UDUB (the now alienated old SAHAN party affiliates), and the Suleyman Gaal UDUB (the now alienated old ASAD party affiliates)!

· We know that UDUB party has been generally undermined and derailed from its original cause, vision and purpose, and that its original patriotic members have long been purged. And that it’s ranks have now been filled with secretive and unpatriotic members particularly at the levels of the executive or the Middle and Central Committees of the party. And it is widely believed that those who now, occupy these committees are mainly members who hail from the Gudabiirsi, Harti, and Issa ethnic groups as well as some Isaaq Clan lackeys since most of the nationalistic and patriotic old members have long abandoned the party and either joined KULMIYE party or UCID party—that is why the "president" who is also the Chairman of the current hijacked UDUB party is deliberately and illegally stalling or blocking the party to convene its legitimate party convention as required by law for more than two years to the present i.e. he is afraid that if he does so there will be a huge scandal in relation to the exposure of secretive tribal members whom no one knows when and how and under what criteria they happen to be members of this national party.

· We know that since the original UDUB party and its other affiliates have been greatly undermined, the remaining old members have no say or they are at the edge of being wiped out as their colleagues and that the new and derailed one-man-show UDUB party of "president" Riyaale and his henchmen or secretive members at both levels of the party’s committees have paved the way for them to completely hijack UDUB party and to turn it into the old USP party—a tribal party of the Gudabiirsi, Dhulbahante, and Issa tribal alliance of the late 50’s and 60’s who were mainly responsible for their adamant position and campaign for the ill-advice and illegal Somaliland-Somalia Unity resulting to the loss of our previous independence and sovereignty in 1960. Is it de ja vu all over again?

Victory and Liberty,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.

[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-19
Weerarkii UCID, Isdifaacii KULMIYE iyo Wadhidii UDUB ka raacday Jaamacadda Hargeysa

Madaxweyne-ku-xigeenka:

“Dhaqanka Afrikaanku ku sagootiyaan madaxtoodu waxa weeye tuug, dilaa iyo qaatil buu ahaa, hadda waxaan leeyahay walaalkay Faysal kaas uun ha nagu sagootiyina”

Guddoomiyaha xisbiga UCID:

"Maanta ninka intuu gaadhi kurta ka jaro jabhad samaystaa horta yuu weerari lahaa?"

Guddoomiyaha KULMIYE:

“Waxaan maqlayaa dad loo duur-xulayee anigu waxaan ahaa ninkii 80 cod ee weliba boobka iyo tuugada ahaa kaga tagay nabadgelyada dalka”,

“Aniga iyo xisbigaygu halgan hore ayaanu u soo marnay, qadhaadhkiisa iyo xabbadi waxay tahayna waanu naqaan, maantase cod baanu wax ku doonaynaa”

Mr. Cumar Jaamac - UDUB:

“Maanta axsaabta qaranku inay taageeraan shir beeleedyo oo ay bilaabaan in gaadiid hub la saaro uma baahnin”

Hargeysa (Jam)- Siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradka ah iyo xisbul-xaakimka UDUB, ayaa si kulul isugu weeraray xaflad loo sameeyey shalay qallin-jabinta dufcaddii shanaad ee ardayda Jaamacadda Hargeysa.

Ardaydan qallinjabisay oo tiradoodu dhammayday 250 arday oo dhammaystay saddex kulliyaddood oo kala ah Ganacsiga, Sharciga iyo Sayniska, kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo gabadhaba, waxay waxbarashadaa wadeen muddo afar sanno ah.

Xafladda loo sameeyey qallin-jabinta ardaydaas waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad iyo xubno kale oo wehelinayey, mudanayaal ka tirsan labada gole Baarlamaan, aqooyahano, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, ardayda qallin-jabinaysay iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Madashadaas ujeedadeedu ahayd in lagu sii sagootiyo ardayda qalijabisay oo maamulka jaamacadda ee hagayeyna ay ka dalbeen masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka qaybgalay in ay yareeyaan hadalada siyaasadda ah, ayaan sidaa noqon, balse isu rogtay goob aan waxba la isula hadhin oo weerar iyo weerar celis ku dambaysay, isla markaana keentay in masuulkii u hadlayey xisbiga talada haya ee UDUB lagu oriyo.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ardaydaa guddoonsiiyey shahaadooyinka, ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey, waxa uu ugu hambelyeeyey ardayda qallin-jabisay oo uu ugu duceeyey in Ilaahay ku anfaco cilmiga ay barteen, iyaguna dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan. Waxaannu xukuumadda u soo jeediyey in ardayda ugu horreysa imtixaanaadka loo raadiyo aqoon dheeraad ah, gaar ahaan shahaadada Master-ka.

Md. Axmed Yuusus Yaasiin waxa uu u soo jeediyey maamulka Jaamacadda Hargeysa in Kulliyadda Sayniska lagu daro qayb deegaanka iyo ilaalintiisa lagu barto, taas oo wax badan ka tari doonta in dadku bartaan deegaanka ay baabinayaan dhibta ay keenayso. Waxaannu kula u soo jeediyey ardayda dhammaysatay qaybta Sayniska inay keenaan fikir lagu joojinayo geedka la jarayo oo khasaare ballaadhan deegaanka ku haya.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa kale oo isaga oo dabajoogay hadal uu Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali ku sheegay inay si fiican u sii sagootiyayaan xukuumadda haddii ay talada ka helaan, kaas oo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay in dhaqanka Afrikaanku madaxdooda hore u sagootiyaan uu yahay caydiisa oo sheegsheegaan, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dhaqanka Afrikaanku ku sagootiyaan madaxtoodu waxa weeye tuug buu ahaa, dilaa buu ahaa iyo qaatil buu ahaa, laakiin marka uu dhinto ayey yidhaahdaan geesi wadani ah buu ahaa, hadda waxaan leeyahay walaalkay Faysal kaas uun ha nagu sagootiyina. Haddii aynu nahay masuuliyiintii waddanka waxaynu shacbiga ka codsanaynaa inay inooga duceeyaan kursi jacayl. Waxaanad ogaataan in kursiga uu ku fadhiisanayo uun nin samada laga ogolyahay ee aanay cid kale ku fadhiisanayn.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in dalku yeeshay jaamacado badan, balse weli tayadoodu xun tahay oo aanay jirin tayo fiican oo ku soo kordhaysaa. Waxaannu xusay inay inta badan hormarka ay is hortaagaan dadka aan markaa xilka wax ka hayni.

“Maalin dhaweyd waxaan maqlayey jaamacadda odhat baadha ayaa la geliyey, waaban yaabay oo waxaan idhi waar dawladdaba odhat lama geline jaamacadda odhatku muxuu ka dhexqabnayaa. Way fiican tahay in wax la ogaado, laakiin maaha in lagu shaqaysto oo qof dan lihi odhat la geliyo jaamacadda, waanan baadhay arrintaa oo labada qolaba waan la sheekaystay, waxaanan ogaaday in ay iiga kac tahay meeshu ee aanay jirin wax kale. Horta haddii aannu qabano tallada waanu ku noqonaynaa manhajka aad wax ku barataan oo waanu bedelaynaa mid UNICEF noo soo samaysay dhigimayno,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe

Guddoomiyuhu waxa uu kula dardaarmay ardayda in aanay cabsan oo dhammaan axsaabta qaranku ay heshiis ku yihiin Diiwaangelinta, Komishanka iyo Doorashooyinkaba, balse ay ka soo wada horjeedaa jabhadaha la doonayo in la sameeyo.

“In aynu innagu qori isku qaadanaa waa inaga xaaraan, waxaynu leenahay distoor waa in aynu dawladda waqtiga la siiyey ku eegnaa waxay qabatay oo aynu cod ku bedelnaa ee maaha in qoryo la qaato oo dadka la kiciyo. Maanta ninka intuu gaadhi kurta ka jaro jabhad samaystaa horta yuu weerari lahaa, anigu waxaan garan la’yahay halkuu weerari lahaa, waayo waxaynu nahay qaran Somaliland la yidhaa ee qabaa’il ma nihi. Markaa waxaannu leenahay wallaalayaal cagta u dhiga dawladda haddii aannu ka helnana si fiican baanu u sabootiyi doonaa.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda Hargeysa ay dalka wax weyn u qabatay oo soo saartay dhallinyaro badan oo aqoonyahan ah, kuwaas oo mustaqbalka dalka Somaliland iyo aayihiisa gacanweyn ka geysan doonta.

Md. Siilaanyo waxa uu sheegay in horumarka dalka Somaliland gaadhay ee dhinacayda nabadgelyada, dimuqraadiyadda, dib-u-dhiska iyo ka horaga falalka waddanka lagu shirqoolayo ay ammaantiisa leeyihiin shacbiga reer Somaliland, balse buu yidhi; “Haddii aynu run ku hadalno innaga oo intaas oo dhan ku faanayna, ma qarin karno inuu madmadow badani inaga muuqdo, waxa inoo muuqda doorashooyinkii oo dhawr jeer dib-u-dhacay, taas oo masuuliyadeeda aannu saarayno dawladda ku meel-gaadhka ah ee maanta taagan, waayo maamulka inoo dhisani maaha kii aynu dooranay ee shantii sanno way ka dhammaatay. Heshiiskii berigii dhaweyd aannu gaadhay ayaanu ku heshiinay in dawladda ku meel-gaadh ah oo doorashooyinka ina gaadhsiisa noqoto, laakiin maanta qodobo badan oo heshiiskaa ka mid ahaa oo dunida iyo caalamku nooga makhraati ahaa sida in aannu gudiyo samaysano dawladdii aad bay uga warwareegaysaa oo way muuqataa.”

Md. Axmed-siilaanyo waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay dalka ugu yeedhayso ballaayo aan joogin, taas oo ah buu yidhi wax aan la aqbali karayn, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaanan maanta dawladda ka akhrisanaynin dacaayadaha ay iyadu dalka ku wado, dunida maanta waxa ka socda dhibaatooyin farabadan oo aynaan doonayn in ay saamayn inagu yeeshaan. Haddii haddaba inagu isku soo hoggaamino dhibaato oo aynu dalkeena ku bixino in argagixiso ka socoto oo ay dawladda afkeeda ka soo baxdaa ma xalaal baa? Mayee maaha ee waa xaaraan.”

“Waxa la soo qaadqaadayey oo dawladdu had iyo jeer sheegtaa baabuur baa kurta la jaray, horta baabuurta madaxa la jaray anigu indhahayga kuma arag weli wax arkayna ma arag, marmarka qaarkood waxaan is idhaahdaa waa la abuurayaa, laakiin waxaan halkan ka caddaynayaa waxaan maqlayaa dad loo duur-xulayee anigu waxaan ahaa ninkii 80 cod oo weliba boobka iyo tuugada ahaa kaga tagay nabadgelyada dalka ilaalinteeda, aniga, xisbigayga iyo inta iga taloqaadataa halgan hore ayaanu u soo marnay qadhaadhkiisana waanu naqaanaa, xabbadi waxay tahayna waanu naqaanaa maanta cod baanu wax ku doonaynaa ee xabbad wax ku dooni mayno. Haddii waxaa la sheegayaa jiraan waanu dhaleecaynaynaa shuqul aannu ku leenahayna ma jiro, wixii la socdana dagaal baanu ka xignaa in aannu ku qaadno weliba. Uma baahnin oo taageerada dadka ayaanu haysanaa oo aannu hubno in aannu doorashada ku helayno. Maxaa iskaga af-dhigay dawladdeenii dalka xukumaysay iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland ee lahaa argagixiso ayaa Somaliland joogta ee qolyihiinii wax bam garayn jirtay kaalaya na bam gareeya miyaa, waa wax laga xishoodo.”

Sidoo kale, Mr. Cumar Jaamac oo ku hadlayey magaca xisbiga UDUB, ayaa waxa uu sheegay in aqoontu tahay waxa lagu qiimeeyo horumarka dal kasta, taas oo uu ku hambalyeeyey ardayda qallin-jabisay oo uu u rajeeyey inay noqdaan qaar mustaqbalkoodu wanaagsanaado. Isaga oo ardayda qallin-jabisayna u soo jeediyey inay ka qaybqaataan horumarka dhinacyada kala duwan ee dalka.

Cumar Jaamac oo u muuqday nin u kacay u jawaabidda Axmed-siilaanyo waxa uu ku dooday in xisbiyada qaarkood oo aannu si cad u magac dhabin ay doonayaan in lagu noqdo qabiilkii, kuwaas oo wada buu yidhi shirbeeleedyo, isla markaana ay taageersan yihiin baabuur la sheegay in kurta laga jaray oo la soo qabtay.

“Maanta axsaabta qaranku inay taageeraan shir beeleedyo oo ay bilaabaan in hub dib loo soo saaro gaadiidka oo ay inagu celiyaan tii 1991 - 92-kii uma baahnin. Waxa wax aad looga naxo ahayd oo aad talafishanada ka daawateen in afar gaadiid ah oo hub la saarayey oo axsaabta qaar taageerayeen laga soo qabtay miyiga oo ay maanta lagu hayo, waa ayaan-darro in aynu maanta dib hub ula galno miyiga,” ayuu yidhi Cumar Jaamac.

Haseyeeshee markuu hadalkiisa halkaa marinayo ayaa waxa madashii ka bilaabmay qaylo, foodhi iyo sawaxan lagaga soo horjeeday hadalladaas, taas oo keentay in aannu sii wadan Karin khudbadiisii oo uu halkaa ku joojiyo.

Wasiirka Waxbarashada Md. Xasan X. Maxmuud Warsame (Xasan-gadhweyne) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ardayda qallin-jabisay ku dhiirigeliyey aqoonta ay barteen iyo sidii ay u sii wadan lahaayeenba, isaga oo tilmaamay inay nasiib u heleen aqoon heer jaamacadeed, taas oo aanay helin in badan oo la mid ahi. Wasiirku waxa kale oo uu ka xogwaramay xidhiidhka ka dhexeeya Wasaaraddiisa iyo jaamacadaha dalka oo uu tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan oo wadashaqayn iyo talowadaag ku salaysan.

“Waan ka xumahay halkani Khayriyadii maaha, meel bay leedahay siyaasaddu, xisbi waliba xarun buu leeyahay meel Khayriyada la yidhaa oo inaga dhexaysaana way jirtaa, waxaan ka rajaynayaa saddexdayada dhinacba in aan halkan lala iman arrimihii aynu khayriyada ka odhan lahayn, aynu u aragno in halkan aqoonyahan joogo, kuwaas oo leh aragti siyaasadeed oo ka fog waxaynu ka hadlayno,” ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Xasan X. Maxamuud Warsame, waxa uu si gaar ah u naqdiyey hadalkii Guddoomiyaha UCID Faysal Cali ee ahaa in jaamacadaha manhajaka ay u soo diyaariyaan hay’ado, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Saaxiibkay Faysal Cali-waraabe, horta isku reer Xamar baanu ahaan jirnay meelna waanu ka wada shaqayn jirnay Injineerka, berigii hore hadalkiisu sixitaan buu ahaan jiray, laakiin iminka waxaad moodaa inuu waxoogaa darbado marmar ridayo. Xukuumaddu ma diidana in la naqdiyo oo la sheego madmadowgeeda, maxaa yeelay sixitaan bay noo tahay haddii ay jirto, haddii kalena waa been baanu leenahay. Jaamacadaha UNEICO uma diyaariso manhajka ee jaamacado kale ayay ku wada xidhan yihiin.”

Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Md. Maxamuud Garaad Maxamed oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in dimuqraadiyaddu tahay in qof waliba aragtidiisa sheego sax iyo khaladba, balse ay ardayda la gudboonayd inay mid waliba dhegaystaan oo aanay midna ku qaylin midna u sacabatumin.

Md. Garaad waxa isaga oo dabajoogay hadalkii Axmed-siilaanyo ee ahaa in 80 cod oo xaaraan ah uu uga tagay nabadgelyada dalka awgeed, waxa uu yidhi; “Guddoomiye Axmed-siilaanyo arrimuhuu ka hadlay waxa I taabtay markuu yidhi 80-kii xaaraanta ahaa, horta Guddoomiye luuqadaa waan ka bedeli lahaa, aniga oo waqtigaa ka tirsanaa Komishanka mid baanu ku mahadinaynaa taariikh leh oo afrikaanku waa la iga helay maba qaato 80 ama kumanaan ha lagaaga helee. Aniguna waxaan markhaati Ilaahay hortii kala kacayaa in cododkii la soo hooyey ee la saxeexay uu 80-ka cod ka soo baxay.”

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna ku-xigeenka dhinaca Maamulka Mr. Maxamed Maxamuud Faarax oo magaca Jaamacadda ku hadlayey ayaa ka waramay horumarkii ay jaamacaddu gaadhay muddadii ay jirtay ee sideeda sanno ahayd, isaga oo tilmaamay in dadaal dheer ay ugu jiraan sidii ay waxqabadkooda u sii horumarin lahaayeen.

“Waxaan idiin sheegayaa in kooxdan qallin-jabisay ay raad ku dayasho leh jaamacadda kaga tagayso, waxa la tabi doonaa firfircooni joogta ah oo ay lahaayeen, waxa la tabi doonaa daraasad iyo xal u helida dhibaatooyinka jaamacadda ku soo kordha, waxa la tabi doonaa abaabulka dood cilmiyeedyada iyo sarraaxadda ay ku waajahayeen wixii soo baxa,” ayuu yidhi Ku-simaha Guddoomiyaha Jaamacaddu.

Hormoodka dhinaca waxbarashada ee Jaamacadda Cabdirashiid Gaaxnuug oo halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey lixda kulliyadood ee jaamacaddu ka kooban tahay iyo qaabka ay wax u dhigaan, kuwaas oo kala ah ganacsiga, sharciga, culuunta, daraasaadka islaamiga, caafimaadka, culuunta kumbuyuurka, iyo koorasyo kale oo gaagaaban. Waxaanay ardayda dhammaan kuliyadahaa dhigataa dhan tahay 2050.

Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in sannadka soo socda ay ugu magacdareen sannadkii tayeynta Jaamacadda, isla markaana ay wax ka bedeli doonaan manhajka ardaydu wax ku barato, iyaga oo ku soo kordhin doona maadooyin xidhiidh la leh deegaanka dalka. Sidoo kalena ay siyaasad cad u sameynayaan habka imtixaanaadka jaamacadda. Waxa kale oo uu sheegay inay sannadka ku soo kordhiyeen jaamacadda laba kulliyaddood oo kala ah mac-had lagu baranayo xalinta khilaafaadka oo jaamacado dibada ahi ka caawinayaan iyo mac-had kale oo lagu baranayo Qur’aanka oo ay ka caawisay dawladda Sucuudigu, kaas oo waxbarashadiisu bilaash tahay.

Waxa iyaguna munaasibadaa ka hadlay hormoodada saddexda kulliyadood ee ardayni ka qallin-jabisay ee kala ah ganacsiga, sharciga iyo sayniska, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay aqoontoodu iyo siday uga soo gudbeen.

Jamhuuriya Online


[ Reply ]



Name : AJ
Subject : Re : mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-20
Waxan la yidhi qaalinku biyaha guudkiisa saaran ayuu ka didaa,
Siilanyo waa hasha geella cunta ee hadana cabaadda....

Siilanyo waxan waydiinayaa dalka yaa waalaaya ee ummadda jahawareer
gelinaaya???????

Shirka Beesha Bariga Burco yaa ka danbeeya????????

Dhoofinta Adhiga yaa ka danbeeye?????????????

Baabuurta qoryaha la saaray ee Bancawl laga soo qabtay yaa ka danbeya???????????????

Sharka somalialnd waa Siilanyo & taageerayaashiisa hamuunta xukun
waashay.

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-20
Mashruucii Gar Adag ee mijinta jaadka ah ee quudheed lagu bixin jiray reeraha dhan lagu caayi jiray, ayaa ka dhamaaday Riyaale Faqash iyo kabo qaadyadiisa.

Sidaas daraadeed, waxa uu hada dib u furay mashruuca cayda MUj Ahmed Siilanyo iyo Xisbiga KULMIYE.

Hase yeeshee, kanina, wuu dhamaan doonaa sidii uu u dhamaaday qaybtii hore ee mashruucii loo adeegsaday Shirweynihii KULMIYE ee ka dhacay magaalada Hargeisa.

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.

[ Reply ]



Name : Xaqiiqmaal
Subject : Re : mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-20
Waxaan la yaabanahay kuwan Habarjeclo ee isku arka wax weyn oo ballo ka dhacayso ee dawladaa shirayagii ku mashquul ahayd oo lacag ku bixisay shirkii garadag, maxaa lagaga mashquuli afartan geesdhagoole ee qabyaaladu dhagotirtay.

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-20
X. Cabdi-waraabe oo Lagu Eedeeyey inuu Hormood ka ahaa Xadhiggii Cumar Carte iyo Ismaaciil Cali Abokor

Hargeysa (Jam)- Mr. Axmed Cali Aadan (Goodir) oo ka tirsanaa xubnaha Komishankii hore Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md. Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) inuu hormood ka ahaa shirqoollada taliskii millateriga ee Siyaad Barre xabsiga ugu taxaabay siyaasiyiinta Cumar Carte Qaalib iyo Ismaaciil Cali Abokor oo ka mid ah shaqsiyaadkii bud-dhigga u ahaa halgankii qadhaadhaa ee dib-u-xoraynta Somaliland.

Mr. Goodir oo daba-joogay hadallo ka soo yeedhay X. Cabdi-waraabe iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir oo ay si kulul ugu dureen ujeeddada shirkii beelaha bariga Burco ku yeesheen degmada Garadag ee Gobolka Sanaag, ayaa qoraal uu shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa waxa uu ku sheegay in suldaanku ka baydhay milgaha dhaqan ee lagu yaqaanay saldannada faca weyn ee uu ka soo jeedo, sidoo kalena Xaajiga caado u tahay inuu gar iyo gardarraba taageero dulmiga maamulka dawligu kula kacaan shacbiga.

Qoraalka Mr. Axmed Cali Aadan (Goodir) oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:

“Waxa hore loo yidhi shinbiraha wixii isku nooc ahiba wey wada duulaan, raggana wixii isku dhaqan iyo balwo ahiba wey is-raacaan, wada fadhiistaan, isu-jiibiyaan oo ay is-taageeraan, sida hadda Ina Dhabbeeye iyo Buur-madow oo isku noociyad ah.

-Waxa rag Allow, la yaab iyo amakaag leh sababta ku kelliftey Ina Dhabbeeye inuu si qaawan oo aan geed loogu soo gabban kula kaco gef iyo aflagaaddo beesha Habar-jeclo iyo shirkooda uga socdey GAR’ADAG, kaas oo ahaa mid daakhili ah oo aan cidna wax loogu dhimeynin, sidii horeba loo sharraxay, iyadoo aan looga baran lagana fileynin inay Shirka Beeshaas ka soo baxaan waxyaabo liddi ku noqon kara Qarannimada iyo midnimada Somaliland toonna.

-Haseyeeshee, waxa is-weydiin mudan hadallada qadafka ah ee uusan Suldaanku u miidaan deyin amase ka fiirsanin ee ah kuwa dhaawacaaya sumacaddiisa iyo xidhiidhka laba beelood ee walaalaha ah oo aan wax xumaato ahi dhex-oollin, wanaag mooyaane, waxa kaloo wax laga xumaado iyo u qaadan waaba ah, hadalladii la midka ahaa ee isku mar iyo isku-si uga soo wada yeedhay isaga iyo adeerkii Xaaji Cabdi Waraabe.

-Suldaan Maxamadow kusriga suldannada soo jireenka ah ee aad maanta ku fadhido waa mid lahaa taariikh taxane ah, laguna yiqiin sumcad, wanaag, sharaf, dhawrsanaan, dhex-dhexaadnimo, gumaysi iyo dulmi nacayb.

Awowgaana wuxuu ahaa halyey la wad jeclaa oo afkiisa iyo addinkiisuba miisaanaayeen, laguna soo hirto ee maxaa kaa hortaagan inaad raacdo hab-dhaqankiisii, asluubtiisii ku dayashada mudnayd, maxaa si kaa ah adeer ee kuugu wacan midabaynta iyo is-rog-rogga badan? Miyaanad ogsoonayn inaad tahay Suldaan Guud oo waliba ka soo jeeda qoys sharrifan ayna kaa reebban tahay wixii aflagaaddo iyo xasarad ah oo dhan ee sumcad xumo u soo jiidi kara shakhsiyaddaada iyo magaca haybta guud ee aad hoggaamiye-dhaqameedka u tahay, waxaad tahay kii beelaha Somaliland oo dhan mideyn lahaa, kana dhex-dhalin lahaa nabadgelyo is-afgarad iyo Islaax ee maad ahayn kee beel ama shakhsi cay ku kici lahaa ee laga eed sheegan lahaa, waxaan keliya oon ku leeyahay ilaahay ha kugu soo haddeeyo waddada saxda ah ee dhex-dhexaadnimada iyo dhawrsanaanta, iyada oo waajibkaagu yahay inaanad dadkaaga kala raacin una kala faalin.

Cabdi-waraabe, isagu la yaab malaha oo waa caadadii inuu indho iyo dhago la’aan iska fuulo Habar-jeclo oo uu si xun wax uga sheego goob kasta oo uu ka hadlo, taasoo soo taxnayd tan iyo xilligii Siyaad Barre, iyadoo oo uu odhan jirey dalkan waxa rogaya Habar-jeclo, wuxuuna isagoo si gaar ah u duraya siyaasiyiinta Habar-jeclo ee markaas wuxuu tusaale u soo qaadan jirey gudin yahay badhkay baa kugu jiree imaad goyseen, wuxuuna xaajigu hormood ka ahaa xadhiggii Cumar Carte iyo Ismaciil Cali Abokor inuu xilligaasba Xaaji Cabdi Habar-jeclo nacayb caan ku ahaa, waxa ka marag kici kara oo la weydiin karaa Suldaan Barre Warsame iyo Ina Dhool-dahable oo goob-joog ahaan jirey xilligaas halganka qadhaadh lagu jirey.

- Xaaji-cabdow, Adeer, khaatumada ku dhimo, Habar-jeclona saamaxaad weydiiso intaad nooshay weli.

- Ciidagale weynana waxaan leeyahay, waar tolow baadadiina ceshada oo sharafta haybta guud iyo wada-jirka ummadda reer Somaliland ilaaliya.”

Jamhuuriya Online
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-20
Some facts about the genocide of the Isaaq Clan (1980-1991):

Gen. Morgan, the Butcher of Hargeisa said: That he was merely defending his country from the enemy and all that he and others have done were implemented with the knowledge, consent, and full collaboration of some known Isaaq Clan individuals such as Haji Abdi Waraabe and others. And further bragged that he is ready to face justice and if taken today, before an International War Crimes Tribunal, he would defend himself by calling these Isaaq individuals as his key witnesses!!

Therefore, to cover-up the war crimes some of these Isaaqs committed, the successive Somaliland regimes as well many respected Somalilanders have chosen to remain silent and to drag their feet to open this important case and bring to account all the Faqash War Criminals of Somalia even though they clearly know who they are, what war crimes they committed, and where they are.

Apparently, most of these war criminals and the war crimes they committed have been document and yet, they there is no action to bring them to justice.

Worse still, many of these war criminals are within a close proximity of of the citizenry of Somaliland. And surprisingly, some of them even hold senior government positions in the country such as Dahir Riyaale Kahin, the so-called president of Somaliland and others!!!

Are the Somalilanders waiting for all these war criminals to die on their own one by one like Gen. Siyaad Bare, Gen. Gani, Gen Adan Gebiyo, etc. so as to cover-up for the known collaborators?

Victory and Liberty,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk
Date : 2008-08-20
The current state of UDUB Party:

· We know that UDUB party is seriously fragmented, disunited, and can no longer be considered as a viable party worthy of a national political party that it once used to be during the reign of it’s late founder, Hon. M.I. Egal, the previous president of Somaliland. Sadly, this party has been hijacked and broken up into four segments, which are commonly known as the Egal UDUB (the original party), the Riyaale UDUB (the new and derailed one-man show party), the Gaboose UDUB (the now alienated old SAHAN party affiliates), and the Suleyman Gaal UDUB (the now alienated old ASAD party affiliates)!

· We know that UDUB party has been generally undermined and derailed from its original cause, vision and purpose, and that its original patriotic members have long been purged. And that it’s ranks have now been filled with secretive and unpatriotic members particularly at the levels of the executive or the Middle and Central Committees of the party. And it is widely believed that those who now, occupy these committees are mainly members who hail from the Gudabiirsi, Harti, and Issa ethnic groups as well as some Isaaq Clan lackeys since most of the nationalistic and patriotic old members have long abandoned the party and either joined KULMIYE party or UCID party—that is why the "president" who is also the Chairman of the current hijacked UDUB party is deliberately and illegally stalling or blocking the party to convene its legitimate party convention as required by law for more than two years to the present i.e. he is afraid that if he does so there will be a huge scandal in relation to the exposure of secretive tribal members whom no one knows when and how and under what criteria they happen to be members of this national party.

· We know that since the original UDUB party and its other affiliates have been greatly undermined, the remaining old members have no say or they are at the edge of being wiped out as their colleagues and that the new and derailed one-man-show UDUB party of "president" Riyaale and his henchmen or secretive members at both levels of the party’s committees have paved the way for them to completely hijack UDUB party and to turn it into the old USP party—a tribal party of the Gudabiirsi, Dhulbahante, and Issa tribal alliance of the late 50’s and 60’s who were mainly responsible for their adamant position and campaign for the ill-advice and illegal Somaliland-Somalia Unity resulting to the loss of our previous independence and sovereignty in 1960. Is it de ja vu all over again?

Victory and Liberty,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.

[ Reply ]


Pages : [ mj. siilaanyo/kulmiye oo ku hanjabay in isaga iyo cidda ka tala-qaadataa ay dalk 1 ]