Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Madaxweynaha JSL Iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaran Oo Hal Goob Iska Diwaangali       Obama announces his security team, with Clinton as secretary of state.       Mj. Axmed Siilaanyo Oo JSL Ugu Baaqay In Ay Argagixisada Kaga Arrgutaan Diiwaang       Gobolka Maroodi-Jeex Oo Saaka Si Rasmi Ah Loogu Dareeray Diiwaangelinta Codbixiy       Somali pirates to free Yemen cargo ship       Markabkii Yemen Oo Aan La Sii Dayn. Qaxoontiga Somalida/Yemen Iyo Mudahaaraad.       Madaxweynaha JSL Oo Ku Qabtay Shir-Jaraa'id Xarunta Madaxtooyada.       Argagixisadii 29/10 Waxay Xasuusisay JSL Duqayntii Hargeysa 1988kii. Qyb. 2aad.       Faallo mal leh...No Comment... Keine Kommentar... No Coment...Biduun tacliiq...P      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M

Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
N
Nugaal
O

Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
Radiohargeysa
RadioSomaliland
Ra''yi press
radiohargeysalive
radiohargeysa24
radiohargeysa
Realpuntlander
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supperhero. Sir Omar Al-Hagi


Heesaha Hirgalay

Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna

wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna

News


 Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Md. Cabdillaahi-Ciro. Ayaa qoraal uu soo saaray ku amray in Wakaalada Biyaha Burco ka madaxbanaan tahay D/hoose ee Burco. Munaasibad loo sameeyay Qoraalkaa Wasiirku soo saaray oo ay soo dhooweeyeen Mas'uuliyiinta Wakaalada Burco iyo Maamulka Gobolku ayaa shalay lagu qabtay Huteel Barwaaqo. 





                                                 
Burco - Wasiirka Arimaha Gudaha Md. C/llaahi Maxamed Ciro ayaa qoraal uu soo saaray ku amray in wakaalada Biyaha Burco Ka madaxbanaan tahay D/hoose ee Burco,oo ay hoos tagi jirtay mudadii ay dhisnaydba.

  Munaasibad loo sameeyay Qoraalkaa wasiirku soosaaray,oo ay soo dhooweeyeen
Masuuliyiinta Wakaalada Burco iyo Maamulka Gobolku ayaa Shalay lagu qabtay Huteel Barwaaqo.

Waxaana ugu horayn ka hadalay maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco C/risaaq Maxamad Sheekh Muuse waxaanu yidhi."sidaad ka warhaysaan Maamulka Wakaaladau waxa uu hoostagi-jiray dawlada Hoose,laakiin maanta laga Bilaabo wakaaladu wayka
madax-banaanaaysa maamulka dawlada Hoose, waxaanay ku shaqayndoontaa bolosiga wasaarada arimaha Gudaha,"waxaana wareegtadaay  soo saartay wasaarada arimaha Gudaha "ayuu yidhi.

Waxaanu intaas ku daray Maareeyuhu, "Mmarkii aan xilka wakaalada la wareegay waxa jiray lacago badan oo dayna oo wakaalada kaga maqanaa dadwaynaha qaar ka mid, ahi dadkaas waykeeneen lacagtii ay ku lahayd wakaaladu. Markaa dadka ay lacagtu ku hadhay waxaanu ka codsanaynaa in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo xareeyaan lacagta Biyaha".

Anaguna waxaanu balan qaadaynaa hadaanu nahay maamulka Biyaha inaananay nagu
baaqsan biyo hadii aad soo xaraysaan lacagta Biilka Biyaha si fiicana u bixisaan
ayuu yidhi C/risaaq, waxa kale oo sheegay maareeyuhu in ay walaadda markii ay
dhibaatadeedu badatay uu u soo gurmaday aasaasihii wakaalada Biyaha Burco
Inj.Maxamuud Yaasiin imikana yahay Injineerka wakaalada.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadalay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi (Biin)waxaanu yidhi. "Wareegtada Wasaarada Arimaha Guduhu soo saartay ee ah in Biyaha Burco iskood u madax-bananadaan waxaa mid,ay taageersanyeen shacabku, waanay qasnayd wakaaladu baryahii ugu danbeeyayba," . Anigana xil ayaa iga saaran arimaha Gobolka "ayuu yidhi Gudoomiyuhu. Waxaanan leeyahay maamulka wakaalada hadaad madax-banaanteen iyo hadii kaleba waxa laydinka raba waxqabad dhaba,ah oo aad ku samaysaan
  
 
 Munaasibadan ayaa waxa aan ka soo qaybgalin Masuuliyiinta D/hoose iyo xubnaha
golaha degaanka Burco,waxaase si weyn uga muuqanayay Masuuliyiinta Gobolka
Togdheer.
   
 Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Wxagaradka Burco ayaa iyagu walaac ka muujiyay
Qoraalkan wasiirka daakhaliga iyagoo ku tilmaamay in abuurayso khilaaf iyo
wadshaqayn ku timaada madaxda Degamada,Gobolka iyo Wakaalada Biyaha,taasina ay ragaadinayso Horumarkii iyo waxqabadkii Gobolka.
  
  Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ayay ku tilmaameen in mudooyinkan dambe u ku hawlan yahay sidii uu qas iyo xasilooni daro ugu abuuri lahaa magaalada burco, haseyeeshee ay bulshadu si weyn ula socoto arimihiisa,Iyagoo ugu baaqay in
Wasiirku faraha kala baxo hawlaha xasilooni daraada dhalinaya ee uu  wado.
   
  
Weriye, Kayse Digale
kdigale@yahoo.com
Burco/Somaliland
Safka-hore.com

Posted on Tuesday, August 19 @ 17:11:01 DAVT by admin



wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna - wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ] [ 2 ]

Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
ISAAQA DHEDIG HA LA ISKA QABTO!

Waxa aan aad u dhibsanaya araga ama muuqaalka sawir, hadalka, iyo xitaa soo qaadka magaca Wasiir-ku-sheega Arrimaha gudaha maadama uu cadowga shisheeye uugu baaqay in JSL, ay joogaan qaar xidhiidh la leh Al-shabaab iyo argagixisada caalamiga ah si cadowgu uu ummada iyo dalka u bam gareeyo.

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
Sooyaal News

WASIIRKII DUULISTA HAWADA IYO GAADIIDKA CIRKA OO IS CASILAY

Wasiirkii duulista hawada iyo gaadiidka cirka md Cali Maxamed Warancade ayaa iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu u hayay xukuumadda somaliland

Sida waxaa khadka tilifoonka noogu cadeeyay wasiirka.

Mr Warancade waxaa uu warqad u diray madaxweyne Riyaale Waxaan doonaya inaan kula socodsiiyo in sida haatan aad wax u wado ama ka muuqata maamulkaaga aan saluugsanahay taas oo aan ka cabsi qabo in ay nabada khal khal geliso, Waxaanu intaas ku daray mudane madaxweyne waxa aynu labadeenuba ka wada shaqaynayay danta guud ee umadda aniga oo aaminsan in ururka udub uu noqdo hormuudka hogaaminta iyo harumarka bulshada reer somaliland. Waxaan aaminsanahay in habkii ama qaabkii aad u maamushay dhoofkii xolaha ee kootada aad ugu xidhay ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri Aarinkaas oo meel ka dhac ku ah guud ahaan qaranka somaliland gaar ahaan ururka.Taasi oo aan u arko inay soo koobtay rajadii uu ururku ku lahaa hoggaaminta bulshoweynta reer somaliland.

Wasiirka duulista iyo hawada ee xilka iska casilay ayaa lagu tirin jiray inuu ka mid ahaa saaxiibada gaarka ah ee madaxweyne riyaale ku laha golihiisa wasiirada ama igu culus ,waxaase muddooyinkan dambe jiray dareeno iftiminayay inaanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn ,mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada oo ku saabsan in madaxweynuhu aqbalay iscasilaadda wasiirkiisa iyo in kale

Hargaysa sooyaal.com

contact us sooyaal42@googlemail.com

Date: 2008-08-19
Readed 50 Times


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
Ururka Horseed Oo Ku Baaqay In La Sii-Daayo Xirsi Cali X. Xasan Iyo Abshir Xasan

Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee ururka Horseed Calawi Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in aanay Alshabaab iyo Al-qaacida toona dalkeena joogin, isla markaan ay gef tahay eeda qaawan ee lagula dul kufay Guddoomiyihii hore ee komishanka Doorashooyinka Xirsi Xasan X. Cali.

Sidaa waxa uu ka sheegay warsaxaafadeed uu ururka Horseed shalay soo saaray, taas oo uu ku sheegay labada qof ee dhibanaha u ah xukuumada ee kala ah Xirsi Cali iyo Abshir Xasan Xaashi oo hore u ahaan jiray madaxa gaadiidka ee madaxtooyada oo xabsiga mandheera xanuun loogala soo cararay cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Waxaanu ururku ugu baaqay in labada muwaadin la sii daayo inta aanay bilaabmin bisha Ramadaan, war-saxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u qornaa sidatan:“ iyada oo la wada ogyahay inaanu Alshabaab iyo Al-Qaacida toona joogin dalka Jamhuuriyada Somaliland, qofkasta oo reer Somaliland ahina oo xirsi garanaya wuxu markhaati ka yahay inaanu qabin eeda lagula dul kufay, mana geyo in lagu shaambadeeyo waxaan jirin.

Ta kale Md Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ka mid yahay madaxda Qarankam, maadaama uu xil sare soo qabtay.

Sidoo kale Abshir Xasan Xaashi wuxuu leeyahay mudnaan gaar ah, maadaama uu ka shaqayn jiray meesha loogu taliyo dalka.

Madaxweyne Bari ka maalin marka aad xukunka ka degtid ma jeclaan doontid in sidan aan haboonayn laguula dhaqmo.

Waxaanu mar labaad ku talinayna in labada muwaadin la siidaayo inta aanay bisha barakaysan ee Ramadaan bilaabmin” ayuu ku soo gebagabeeyey Ururka Horseed.

Source: haatuf


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
Mujaahidiinta Jimciyada Sooyaal Burco SNM oo Jawaab Ka Bixisay Qabqabashada Kooxda Dablayda

In ka badan sodomeeyo (30) ka mida mujaahidiinta Sooyaal ee ururka SNM ee Gobalka Togdheer falkii ay ku kacday koox dabley ah oo is urursi ka waday deegaanka gobalka togdheer.

Mujaahidiinta ururka SNM oo maanta canbaarayntan kaga dhawaaqay shir jaraa,id oo ay ku qabteen Magaalada Burco waxay cadeeyeen inaanay gebi ahaanba dagaalyahanadii SNM aanay wax luga ku lahayn isku daygii dagaalka, isla markaana aanay xirfadan iyo fartaasi ahayn midi lagu yiqiinay ururka SNM.

Mujaahid Cabdi Saleebaan Caalin Haariye oo ka hadlayey afka mujaahidiinta ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday ina xoogagoo SNM ay biyo shubteen Somaliland, isla markaana aanay xilligan halis ku noqon Karin nabada Somaliland.

Afhayeenka waxaa kale oo uu warkiisa ku sheegay in ururkani SNM aan marnaba looga baqo qabin khal khal gelinta Nabada Wadanka ahna xilka saran yahay siday nabada wadanka u garab geli lahaayeen qadiyada Somaliland.

“ anaga ayaa leh libta Somaliland cida nagu meteshayna nama taqaano” ayuu yidhi.

Sidoo kalena Axmed Cali Maxamed oo isagun ka mid ahaa Mujaahidiinta ayaa waxaa uu ugu baaqay xukuumada Somaliland in la sameeyo barnaamij dhiiri gelinaya siday wax ugu qaban lahayd Mujaahidiinta waxaanay kale oo muhaahidiintan SNM ka dalbadeen Wasaarada Waxbarashada iyo in Taariikhda SNM lagu daro Manhajka Waxbarasho ee Somaliland.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa ciidamada Somaliland waxay ka soo qabqabteen Deegaanada Waqooyi Bariga Burco ilaa 7 todoba baabuur oo qaarkood yihiin kuwa dagaalka oo koox dhalinyaro ah, kuwaasi oo Gudoomiyaha Gobalka Togdheer dusha u saaray inay ka soo jeedaan Saraakiil ka tirsan ururka SNM.

“SNM waxay u taagan tahay cadawga dibada ee Somaliand laakiin cadawga Dalka ma,aha” ayuu yidhi.

Source: golisnews


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
Nin Ku Diley Hadh Kuuma Jiido

August 19th, 2008

Shiikha Xabsiga Ku xidhan Shiikh Mubaarig Diiriye oo ay la soo direystay Xaalad Caafimaad daro ka dib markii uu ka jabay adin, mudo laba todobaad ka hor wax dhakhtarana aan la gayn ayuu wuxuu halis u yahay in uu naafoobo ama dhibaato caafimaad ka dhalato adinkan dhaawac may ee aan la tusin wax dhakhaatiira.

Shiikh Mubaarig Diiriye oo loo taxaabay xabsiga 14 afar iyo toban bilood ka hor isagoo ku jira hawlo ganacsi, oo uu xoolo kaga soo iibsanayey gobalka Sanaag, lagana qabtay Degmada Ceel Afweyn, ayaa ilaa hada aan la soo taagin wax Maxkada laguna soo oogin danbiga loo haysto shiikha ee xoriyadiisa looga qaaday muda intaas le,eg.

Todobaadkan waraysi ay BBC siiyeen Dalada Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa sheegay in aanay Sharci ahayn in Shiikh Mubaarik Diiriye iyo Muwaadiniinta kaleba layskaga hayo jeelka iyadoo aan wax danbi ah lagu soo oogin, Maxkamadna aan la soo taagin, sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland iyo Qawaaniinta Caalimiga ah ee Xuquuqul insaanka.

Maamulka Somaliland ka jira ayaa caado ka dhigtay in uu ku xad gudbo xuquuqda muwaadiniinta, xoriyada asaasiga ee qofka, shuruucda Somaliland u taal ee xuquuqda muwaadinka iyo sharciga caalimiga ah xuquuqul insaanka oo damaanad qaadanay xoriyada qofka inuu xaqa uu u leeyahay in haddii uu danbi galo la hor keeno sharciga, arimahaas oo dhamaan ka jirin Somaliland dadkana laysaga hayo jeelasha xitaa haddii ay ku timaado duruufo caafimaad aan loo ogolaan xanaanayn iyo in la daweeyo muwaadinka xoriyadiisii laga qaaday sida Shiikh Mubaarig Diiriye Axmed.

Waxaa kale oo dhacda in Maamulka Somaliland uu qabqabto dad Soomaali ah, isla markaana u gacan geliyo Maamulka Dawlada Ethiopia, taas oo xad gudub ku ah Shareecada Islaamka, Dhaqan Soomaaliyeed, iyo Shuruucda Somaliland oo dhigaysa qofka Somaliland gudaheeda danbi gala lagu xukumo Sharciga iyo Dastuurka Somaliland ee aan loo dhiibin gacan shisheeye.

Hayadaha Sharciga ee gacanta ku haya Kiiska Shiikh Mubaarig Diiriye ayaa ilaa imika aan soo bandhigin wax danbi ah, oo cad oo loo haysto shiikha, taas oo shiikha ka dhigaysa in uu xidhan caqiidada uu aaminsan yahay iyo wacdiga joogtada ee uu ka akhriyi jirey Masaajida iyo Goobaha laysugu yimaado.

Sidaa daraadeed waxaa haboon Maamulka Somalilan in waayo arag ka noqdo dhibaatada loo geysto Muwaadiniinta Somaliland iyo qofka aan danbi lahayn aan loo samayn danbi been abuura taas oo xad gudub ku ah qawaaniinta dalka u yaala, iyadoo talisyo hore oo dhulkan ka jiri jirey dadkana sidaa ula dhaqmi jirey aynu wada garanayno halka ay ku danbeeyeen, dadka iyo dalka waxaa lagu hogaamin karaa Cadaalad Sinaan iyo Garsoor Madax Banaan oo kala cadayn kara qofkii danbiile ah iyo qofkii aan danbi lahayn.

Maxamed Jaamac Ducaale
Hargeysa Somaliland

Source: somaliland.org


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
X. Cabdi-waraabe oo Lagu Eedeeyey inuu Hormood ka ahaa Xadhiggii Cumar Carte iyo Ismaaciil Cali Abokor

Hargeysa (Jam)- Mr. Axmed Cali Aadan (Goodir) oo ka tirsanaa xubnaha Komishankii hore Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md. Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) inuu hormood ka ahaa shirqoollada taliskii millateriga ee Siyaad Barre xabsiga ugu taxaabay siyaasiyiinta Cumar Carte Qaalib iyo Ismaaciil Cali Abokor oo ka mid ah shaqsiyaadkii bud-dhigga u ahaa halgankii qadhaadhaa ee dib-u-xoraynta Somaliland.

Mr. Goodir oo daba-joogay hadallo ka soo yeedhay X. Cabdi-waraabe iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir oo ay si kulul ugu dureen ujeeddada shirkii beelaha bariga Burco ku yeesheen degmada Garadag ee Gobolka Sanaag, ayaa qoraal uu shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa waxa uu ku sheegay in suldaanku ka baydhay milgaha dhaqan ee lagu yaqaanay saldannada faca weyn ee uu ka soo jeedo, sidoo kalena Xaajiga caado u tahay inuu gar iyo gardarraba taageero dulmiga maamulka dawligu kula kacaan shacbiga.

Qoraalka Mr. Axmed Cali Aadan (Goodir) oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:

“Waxa hore loo yidhi shinbiraha wixii isku nooc ahiba wey wada duulaan, raggana wixii isku dhaqan iyo balwo ahiba wey is-raacaan, wada fadhiistaan, isu-jiibiyaan oo ay is-taageeraan, sida hadda Ina Dhabbeeye iyo Buur-madow oo isku noociyad ah.

-Waxa rag Allow, la yaab iyo amakaag leh sababta ku kelliftey Ina Dhabbeeye inuu si qaawan oo aan geed loogu soo gabban kula kaco gef iyo aflagaaddo beesha Habar-jeclo iyo shirkooda uga socdey GAR’ADAG, kaas oo ahaa mid daakhili ah oo aan cidna wax loogu dhimeynin, sidii horeba loo sharraxay, iyadoo aan looga baran lagana fileynin inay Shirka Beeshaas ka soo baxaan waxyaabo liddi ku noqon kara Qarannimada iyo midnimada Somaliland toonna.

-Haseyeeshee, waxa is-weydiin mudan hadallada qadafka ah ee uusan Suldaanku u miidaan deyin amase ka fiirsanin ee ah kuwa dhaawacaaya sumacaddiisa iyo xidhiidhka laba beelood ee walaalaha ah oo aan wax xumaato ahi dhex-oollin, wanaag mooyaane, waxa kaloo wax laga xumaado iyo u qaadan waaba ah, hadalladii la midka ahaa ee isku mar iyo isku-si uga soo wada yeedhay isaga iyo adeerkii Xaaji Cabdi Waraabe.

-Suldaan Maxamadow kusriga suldannada soo jireenka ah ee aad maanta ku fadhido waa mid lahaa taariikh taxane ah, laguna yiqiin sumcad, wanaag, sharaf, dhawrsanaan, dhex-dhexaadnimo, gumaysi iyo dulmi nacayb.

Awowgaana wuxuu ahaa halyey la wad jeclaa oo afkiisa iyo addinkiisuba miisaanaayeen, laguna soo hirto ee maxaa kaa hortaagan inaad raacdo hab-dhaqankiisii, asluubtiisii ku dayashada mudnayd, maxaa si kaa ah adeer ee kuugu wacan midabaynta iyo is-rog-rogga badan? Miyaanad ogsoonayn inaad tahay Suldaan Guud oo waliba ka soo jeeda qoys sharrifan ayna kaa reebban tahay wixii aflagaaddo iyo xasarad ah oo dhan ee sumcad xumo u soo jiidi kara shakhsiyaddaada iyo magaca haybta guud ee aad hoggaamiye-dhaqameedka u tahay, waxaad tahay kii beelaha Somaliland oo dhan mideyn lahaa, kana dhex-dhalin lahaa nabadgelyo is-afgarad iyo Islaax ee maad ahayn kee beel ama shakhsi cay ku kici lahaa ee laga eed sheegan lahaa, waxaan keliya oon ku leeyahay ilaahay ha kugu soo haddeeyo waddada saxda ah ee dhex-dhexaadnimada iyo dhawrsanaanta, iyada oo waajibkaagu yahay inaanad dadkaaga kala raacin una kala faalin.

Cabdi-waraabe, isagu la yaab malaha oo waa caadadii inuu indho iyo dhago la’aan iska fuulo Habar-jeclo oo uu si xun wax uga sheego goob kasta oo uu ka hadlo, taasoo soo taxnayd tan iyo xilligii Siyaad Barre, iyadoo oo uu odhan jirey dalkan waxa rogaya Habar-jeclo, wuxuuna isagoo si gaar ah u duraya siyaasiyiinta Habar-jeclo ee markaas wuxuu tusaale u soo qaadan jirey gudin yahay badhkay baa kugu jiree imaad goyseen, wuxuuna xaajigu hormood ka ahaa xadhiggii Cumar Carte iyo Ismaciil Cali Abokor inuu xilligaasba Xaaji Cabdi Habar-jeclo nacayb caan ku ahaa, waxa ka marag kici kara oo la weydiin karaa Suldaan Barre Warsame iyo Ina Dhool-dahable oo goob-joog ahaan jirey xilligaas halganka qadhaadh lagu jirey.

- Xaaji-cabdow, Adeer, khaatumada ku dhimo, Habar-jeclona saamaxaad weydiiso intaad nooshay weli.

- Ciidagale weynana waxaan leeyahay, waar tolow baadadiina ceshada oo sharafta haybta guud iyo wada-jirka ummadda reer Somaliland ilaaliya.”

Jamhuuriya Online

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
Some facts about the genocide of the Isaaq Clan (1980-1991):

Gen. Morgan, the Butcher of Hargeisa said: That he was merely defending his country from the enemy and all that he and others have done were implemented with the knowledge, consent, and full collaboration of some known Isaaq Clan individuals such as Haji Abdi Waraabe and others. And further bragged that he is ready to face justice and if taken today, before an International War Crimes Tribunal, he would defend himself by calling these Isaaq individuals as his key witnesses!!

Therefore, to cover-up the war crimes some of these Isaaqs committed, the successive Somaliland regimes as well many respected Somalilanders have chosen to remain silent and to drag their feet to open this important case and bring to account all the Faqash War Criminals of Somalia even though they clearly know who they are, what war crimes they committed, and where they are.

Apparently, most of these war criminals and the war crimes they committed have been document and yet, they there is no action to bring them to justice.

Worse still, many of these war criminals are within a close proximity of of the citizenry of Somaliland. And surprisingly, some of them even hold senior government positions in the country such as Dahir Riyaale Kahin, the so-called president of Somaliland and others!!!

Are the Somalilanders waiting for all these war criminals to die on their own one by one like Gen. Siyaad Bare, Gen. Gani, Gen Adan Gebiyo, etc. so as to cover-up for the known collaborators?

Remember when Dahir Riyaale Kaahin sabotaged a great Somalilanders effort who convinced the International War Crimes Tribunal in Arusha, Tanzania to also try the some of the war criminals of Somalia who were at period, gathering in Mbagathi, Nairobi.

Remember when the Arusha court secretly communicated with the Kenyan Authorities as well as the international organizers of the Mbagathi Convention who gave them the assurance to cooperate with their orders of the Tribunal court and agreed that they will send to the court those whom they name or to be tried.

Everything was clear and set and promising until that great Somalilander and his international lawyers broke the sad news that their efforts has been sabotaged and to their surprised, they were shown an official letter from the Republic of Somaliland, which was signed by Dahir Riyaale Kahin and asking the Arusha Court not to open this case or pursue it any further since they are not ready.

And that is the closest we came to bring to account the Faqash War Criminals of Somalia and the end of noble cause of this great Somaliland and his volunteer international lawyers.

So that is the state of affairs of Somalilanders vis Faqash War Criminals of Somalia as they stand to this day!!

Victory and Liberty,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.
Name : Professor
Subject : Re :wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-21
Hebel Waraabe inuu weligiiba daaquud ahaan jirey waa la wada og yahay ee wax cusub ayaa?
Afweyne daaquud ayuu u ahaan jirey.
Gaanni/Morgan Daqauud ayuu u ahaan jirey.
Qeyntii 26aad/Jabhadihii Dabar Goynta Isaaq daaquud iyo weliba basaas la iska ilaaliyo ayuu ahaan jirey.
...
Calan Cas iyo wixii SNM hagardaameeya daaquud ayuu u ahaan jirey.
...
Dawlado-ku-sheeggii Somaliland oo dhan daaquud ayuu u ahaan jirey
...
Maryo Alool daaquud ayuu u ahaan jirey
...
Dawladdii Ingiriis iyo gumeysteyaashii reer Yurubna inuu daaquud u ahaan jirey ayaa macquul ah (waa ta keliya ee aanan ku caddeyn karin).

"Nin Soori Kaa Qaadday Waa Nin Seefi Kaa Qaadday"!

[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
Xirsi wuxuu u xidhan yahay Aargoosi siyaasadeed

August 12th, 2008
By:Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar

“Gar ma qaatayaashiyo dadkaa, beera ruux gudhan’e,

Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo,

Markuu dhaawac gaystaba haddii, loo gargarateeyo,

Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya,

Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol xaadho,

Kaligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye”.

Gudgude-1990-kii- M.I.W “Hadraawi”.

“…Waxa jira runtii niman budhcad ah oo la leeyahay Bariga Burco ayay saddex baabuur oo Surf ah kurka kaga jareen, waana lagu maqan yahay, maantana Insha Allaahu nalama dhaafi doonto, wixii tallaabo ahna waa laga qaadi doonaa…Ujeeddadoodu way caddaan doontaa oo ka hor dhici maayo, laakiin waxaanu tuhunsannahay in ay lug la leedahay nin maalin dhawayd la xidhay oo Xirsi la yidhaa, oo xidhiidh la leh Al-Shabaab, arrintiisana waa la baadhayaa baadhistaas kadibna way caddaan doontaa…Arrintan kuma tuhunsanin (Xirsi) ee aad iyo aad ayay ugu caddahay oo baabuurtaa la sheegayo ayuu markii hore la socday”.-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland; C/laahi Ismaaciil Cirro.

Intaasi markay dhegahayga ku soo duuleen ayaa judhiiba, amankaag, anfariir iyo qayo-yaab hor lihi igu dhashay. Dadka intii dareen samaanta u janjeedha lagu tuhmayay, hubaal way ka naxeen tiraabahaas Wasiirka, in kasta oo ay jirto; in dadka badankiisu wararka masuuliyiinta Xukuumadda ka aaminsan yihiin, Hadal meel waayay iyo waxba kama jiraan. Dareen aan xadhko liddiyi karaa jirin oo baaxad leh ayaa hadaladaas ka curtay, inta badan dadweynuhuna diidmo qayaxan oo tusinaysa sida aanay u qaadan karin beenahaas iyo tibaaxahaas waaqaca ka durugsan ayay muujiyeen. Runtii waxay ahayd mid inoo dhiman!.

La yaab badan iyo amankaag guro fog igumay noqon luqadda saboolnimada leh ee uu ku hadlay. Lahjad heeraab hoose oo ka arradan erey-bixinta Diblomaasiyadda, sogordaha, sarbeebta, saamma-dedka, duur-xulka, hummaagaynta iyo heybadda odhaahdaba waan ku aqaanay badiba hoggaamiyayaasha hadhsada heeryada Xukuumadda. Afka qaawan ee aan daboolka, dahsoonnaanta iyo daaha midna huwanayni, ceebtooda may ahayn, caadaabay se u ahayd. Miyaanay ahayn darkii, inta murti Soomaaliyeed badatay ku maah-maahi jiray; “Dhuuso geel”. Hadalka nin ummad guddooonshe u ahi jeediyaa se, sida dhaqanka xilku yahay, hubsiimo, sugnaan iyo qor-qornaan ayaan ku ogaa. May ahayn, mana aha, in tiraabta nin xil ku magacaabani la fal-gasho haasaasaha iyo haloosiga suuqa dhex qaadaya. Erey kasta oo ninka ummadda u boqrani yidhaahdaa, waa ma-dhaafaan, daymo, dhug iyo kasmoba loo leeyahay. Madax-tinimadu, waxay leedahay milge, asluub iyo astaan ilaalisa haybadda kursiga. Waxaa madaxtinnimada lagu yaqaanaa; is-dhawrid iyo af-gobaadsi, had iyo jeer leh abbaar iyo jid jeexan oo la yaqaanno. Eedda iyo dacwaddu kama fursato, kamana baxsan karto, summad iyo sawrac, goor, goob iyo goleba leh.

Ogaalkay ama sida garashadu I faraysay, xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahina ahayd, Xirsi waxa uu u xidhnaa aar-goosi siyaasadeed. Maadaama dammiirkiisu ka dhiidhiyay, kana digigixooday, siina xammili waayay u dul-yeelashada faro-galintii iyo gacan-dhaafkii sharci-darrada ahaa ee Xukuumadda Riyaale ku haysay hawlaha Komishanka, aakhirkiina iska casilay xilkii maqaar-saarka ahaa, Xukuumaddu waxay muddoba baadi-goobaysay godkii, kobtii iyo sabadii ay ku qaban lahayd. Aan raaciyo, waliba waxa suurta-gal ah in; Xukuumaddu markay soo qabanaysay Xirsi aanay haynin danbiga ay ku xidhayaan, laakiin la sameeyay dharaarihii uu xabsiga ku guda-jiray. Maamulka Riyaale oo lagu ogyahay caabiyidda run-aha mutaxan ee aan caadka la saari karin, colaad lama-qiyaasaan ah ayay kasha iyo kaskaba ugu haysay Xirsi. Xisbigii laga soo xulay, Kulmiye, oo ay sidiisaba cadaawad mug iyo miisaan leh u hayso, ayaa iyana ka mid ahayd sababaha soo dedejiyay xadhiggiisa.

Waxa aan is weydiiyay; haddiiba uu C/laahi ahaa ciidamadii Nabad-Sugidda, basaasidda iyo jaajuusnimada, maxaa sababay in ereygani ugaga soo dhaco sifo sahlan oo sakhiran?. Sowkii lahaa anigu danbi-baadhaan ahaa!…haddana waa maxay waxan uu is dhex dhigay. Ismaba kallifin ee waxaan xiska iyo xusuustaba ku celiyay afar bilood ka hor. 09.04.2008, qaraxii ka dhacay aqalka Golaha Guurtida ee Somaliland iyo sidii degdegsiinyada lahayd ee uu u yidhi: “Kulmiyaa qaraxa ka danbeeyay”. Waa yaab. Qaraxaas waxa loo xidhxidhay rag mudan ah oo uu ka mid yahay Oday Deyr Maxamed Cilmi, waxaana aakhirkii la soo daayay iyaga oo aan maxkamad la hor-gaynin, lana caddaynin sababta ay u xidhnaayeen. Illaa hadda, wasiirka waxa laga sugayaa caddaynta halkii, sidii iyo sifihii Kulmiye uga danbeeyay qaraxaas. Waa su’aal hor taalla, lamana gafayo inta dad nool yahay. Xujo cad iyo xisaabina way danbaysaa!.

10.04.2008, shir uu xisbiga Kulmiye ku lahaa Huteelka Panorama ee magaalada Hargaysa ayaa waxa ka hadlay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Mujaahidku isaga oo daba socda eedaymihii wasiirku u soo jeediyay Xisbiga, waxa uu yidhi: “C/laahi Cirro waa kuma?…Waa Isaaqii dheddig ee Isaaqa xiniinyaha ka garaaci jiray”. Sida Maxamed Kaahin abbaartiisu ahayd, Isaaqa dheddig qoys iyo qolo gaar ah ma ahayn, waxay se ahayeen dhammaan saraakiishii Isaaqa ee maalmihii qadhaadhaa ka hoos shaqayni jiray taliskii Maxamed Siyaad. C/laahi Cirro si uu uga baxsado taariikhda baadi-soocatay, waxa uu abaabulay dad ma-kasto u badan, Ku-ye: “Reer baa la af-lagaaddeeyay dhaha”. Muj: Maxamed Xaashi Cilmi iyo Muj: Yuusuf Cabdi Gaboobe-ba waxay isku Isaaq yihiin Muj: Maxamed Kaahin, sidaas darteed Isaaqyada iyo abtirsiinadu way kala guran yihiin.

Malahayga, Wasiirku wuu khalkhalaa marka uu saxaafadda la hadlayo. Isaga oo gar-gariiraya ayuu 13.04.2008-da, shir u qabtay jaraa’idka. Ku-ye: “…Maxamed Kaahin agoontuu laayay baa loo haystaa…Burco go’ shaal ah buu ku dhex maraa oo waxa uu iska qarinayaa carruurtuu aabbayaashood laayay…Waa la garanayaa shaqadii uskagga ahayd ee uu Sanxaani u qaban jiray, waana tii ka kaxaysay”. Waxaan is waydiiyay goormaa u amba-bixii halganku ceeb noqday. Sanxaanni wuu ka tallaabay ma godobbaa!, aday kuugu duntay’e, magaca kuugu baxay ha ka xanaaqin. Caddayn kale ayaa looga baahan yahay dadkaas uu yidhi waa la laayay. Agoonta uu carrabaabay waxay Wasiirka ka sugayaan war dacallo-fidsan oo ku saabsan dilkii aabbayaashood. C/laahi Cirro ayay caddaymo qancin kara ka sugayaan. Noqonna mayso in mar danbe danbiile la cafiyo, taariikhduna way xisaabtami doontaa.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo muddo ku xidhnaa xabsiga Mandheera, isna wuxuu ku eedaysnaa Argagaxiso. Ciddii xukuumadda ay is qabtaanba ma Argagaxisaa?…Oo ma Maraykankiibaa!. Argagaxiso (Terrorism) ayaa u baahan in iyaga (Xukuumadda) far waawayn kolleyba loogu dhigo. “Hebelbaa ka danbeeya” maaha erey si sal-fudayd ku jiro loo yidhaa. Deggenaan, baadhis iyo kuur-gal ayay u baahan tahay, waa se nasiib darro in Wasiiradii u danbeeyay ee soo mara Wasaaradda Daakhiligu lahaayeen dhaqankaas shaydaanka raalli galinaya. Guntii iyo gebegabadii, Mudane Wasiir, ogobeey, dadka reer Somaliland ee aad madaxda u tahay maaha maxaabiis xabsigii Labaatan Jirow jooga, Wasaaradda aad mas’uulka ka tahayna maaha Godkii!.

Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar

E-mail: halabuur@hotmail.com

Tel: 00 252 2 4160271


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
Shirweynaha Gar’adag oo bayaan cambaarayn ah ka soo saaray xadhigga Xirsi Cali X. Xasan

August 12th, 2008

Garadag (Somaliland.org) – Shirweynaha Beelaha bariga Burco uga socda magaalada Gar’adag ee Gobolka Sanaag oo haatan maraya heer gebagebo ah ayaa hadal hordhac ah oo uu soo saaray, wuxuu si adag u cambaareeyey xadhiga Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan iyo hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ku eedeeyey Xirsi inuu xidhiidh la leeyahay Al Shabaab.

Shirweynuhu warmurtiyeed uu ka soo saaray xadhiga Xirsi waxa uu ku tilmaamay aargoosi siyaasadeed oo xukuumaddu kaga daba joogto Xirsi isku dhicii isaga iyo Daahir Riyaale markii uu Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, isla markaana eedaynta Al Shabaab ay u arkaan in xukuumaddu ay u isticmaalayso Shaambad cadaawadeed oo ku wajahan Xirsi iyo Beeshaba.

Bayaankaas oo ay ku saxeexan yihiin xubnaha Shirguddoonka Shirweynaha Gar’adag, shirweynuhuna ogolaaday maanta, waxa uu u qoran yahay sidan:

“Shir-weynaha Beelaha Habar-jeclo oo ka socda magaalada Gar-adag waxa uu si xoog ah u cambaaraynayaa xadhiga sharci-darrada ah ee lagula kacay muwaadin Xirsi Cali Xaaji Xasan Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Waxa kale oo uu shir-waynuhu cambaaraynayaa asbaabta xukuumaddu u cuskatay xadhiga muwaadin Xirsi. Shir-weynuhu wuxuu u arkaa asbaabtaasi in ay tahay mid siyaasadaysan oo lagu shirqoolayo muwaadinkaas iyo beesha uu ka soo jeedo, habka arrinta loo marayna ay tahay mid sharciga iyo dastuurka Dalka ka baxsan, ayna xaaraan tahay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu xukun ku rido, markii uu ku eedeeyay in Xirsi ka tirsan yahay ururka Al-shabaab, iyada oo aan muwaadinkaas wax maxkamad ah la hor keenin.

Waxa jirtay in Xirsi loo magacaabay in uu xubin ka noqdo Komishanka Doorashooyinka Qaran, oo uu ansixiyay Baarlamaanku kadib markii uu Madaxwaynuhu ogolaaday, iyada oo loo doortay Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si firfircoona uu u gudanayay hawlihiisa, intii aanay isku dhicin madaxwaynaha. Haddaba, ma wuxuu Al-shabaab noqday markii ay madaxwaynaha isku dhaceen, Al-shabaab iyo Al-qaacidana ma waxay noqdeen shaanbado la isku dhufto oo lagu kala aargoosto. Dhinaca kale maaha markii ugu horaysay ee saraakiisha xukuumadda Riyaale ka tirsani ay eedaymo qaawan dusha ka saareen beesha iyo deegaanadeeda, iyada oo ay jirtay in sannadkii 2004-kii ay dhacday dhacdadii magaalada Dhoqoshay ee ay beeshu soo qabatay nimankii argagixisada ahaa, uu Wasiirkii Daakhiliga ee xiligaas si badheedh ah falkaa argagixiso saacado ka hor intii aan reer Dhoqoshay gacanta lagu dhigin dadkii falka geystey uu qalabka warbaahinta si badheedh ah ugu eedeeyey beesha bariga Burco. Waxa ay ergada shirweynuhu la yaaban tahay colaada iyo hadalada aan laga fiirsan ee masuuliyiinta xukuumadda ka soo yeedha ee lagu waxyeelaynayo dadka beesha ku abtirsada iyo deegaanadooda.

Waxa kale oo jirtay in marar badan oo kala duwan ay masuuliyiinta xukuumadda ka soo yeedhay in ay deegaanada beesha ay Al-qaacida fadhiisimo ku leedahay, sidaana lagu wargeliyay dawladaha deriska ah iyo qaar ka mid ah wadamada waawayn ee dunida.

Ergada shir-waynaha beelaha Habarjeclo ee ka socda magaalada Gar-adag, wuxuu ku talinayaa in xukuumaddu ay ka waantowdo fidmada iyo dhagarta ay kula dhex jirto beelaha, joojisana been abuurka ay ka fidinayso iyo sumcad dilka ay ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland. Ergada shir-waynuhu waxay dalbanaysaa in muwaadin Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo cidda kale ee arrinkaas u xidhanba si degdeg ah loo sii daayo.

Shir-guddoonka shirwaynaha beelaha Habarjeclo oo kala ah:

Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhi-jiidh) Guddoomiye

Cabdillaahi Jaamac Samatar Guddoomiye-ku-xigeen 1aad

Saleebaan Kaahin Cashuur Guddoomiye-ku-xigeenka labaad

Saleebaan Guray Ismaaciil Jaamac Guddoomiye ku xigeenka saddexaad

Axmed Ismaaciil Xayir - Xoghaye”.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
DAYMADA WARGEYSKA: Xukuumadda Rayaale Ma Waxay u Xuubsiibatay Xeeladihii Cabdillaahi Yuusuf?

Xukuumadda Somaliland ayaa beryahan dambe la soo baxday hab-dhaqan cusub oo kula macaamilayso muwaadiniinta aan maxkamadi dembi ku caddayn ee ay qabqabato, balse lagu hayo xarumaha sirdoonka iyo jeelashada dalka, iyada oo aan qofka muwaadinka ah dambiile lagu tilmaami karin ilaa faldambiyeed maxkamad horteed kaga caddaado.

Waxa kale oo xukuumadda Madaxweyne Rayaale caado ka dhigatay in fal kasta oo ka dhaca gudaha Somaliland oo isku dhac sababa ay masuuliyaddiisa dusha ka saarto gacmo shisheeye iyo dad cadow ku ah qarannimada Somaliland, eedaymahaas oo inta badan noqda qaar aan waxba ka jirin oo shacbiga looga dhigayo dhallaan-habaabis indhahooda lagaga jeedinayo xaqiiqda dhacdada meesha taal iyo fadhiidnimada maamul ee hadheeyey xukuumadda.

Eedaymaha iyo hab-dhaqanka cusub ee maamulka talada dalka hayaa beryahan dambe la soo baxeen waxa ka mid ah iyaga oo qofka muwaadinka reer Somaliland ah ee ciidammada boolisku qabtaan markaaba dusha ka saara dambiyo culus oo heer caalami ah, waxayna ku tilmaamaan inuu xidhiidh la leeyahay ururro argagixiso ah oo dadka xubnaha ka ah dunida laga baadi-goobayo sida Al-shabaab oo ah urur ka dagaallama koonfurta Soomaaliya oo Maraykanku ku daray liiska ururrada argagixisada ah iyo Al-qaacida oo ah shabakada caalami ah oo ay ku bahoobeen ururrada argagixisadu, kaas oo uu hoggaamiye ka yahay ninka dunidu baadi-goobayso ee Osama Bin Laden, arrintaas oo aan la garanayn ujeeddada xukuumaddu ka leedahay ee ka dambeysa.

Dadka dhibanaha u noqday eedaymaha qalafsan ee beryahan dambe xukuumadda Rayaale jeebadda dambe kala soo baxday waxa ka mid ah Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii iscasilay ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo Wasiirka Daakhiligu si qaawan oo af labadii ah ugu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-shabaab ee dagaalka hubeysan ka wada Soomaaliya.

Eedayntaas oo ah mid si fudud oo ka fiirsasho la’an ah uga soo yeedhay afka Wasiirka Daakhiliga, balse ay qurux badnaan lahayd in la hubsado ilaa iyo inta haddiiba uu qoladaa la sheegayo ku lug leeyahay, maxkamadina ku caddaynayso oo la xukumayo.

Iyada oo eedayntan Wasiirka ee uu Xirsi ku xidhiidhinayo ururka Al-shabaab sumcad-xumo ku noqonayso Somaliland oo caalamku u aqoonsan yahay goob degannaansho iyo xasilooni buuxda ka jirto, isla markaana ka nadiif ah xooggaga dagaallada ka wada koonfurta Soomaaliya oo ku habboon in maalgashi lagu sameyn karo oo dalxiisayaasha caalamkuna si xor u dhex mushaaxi karaan iyagoon habayaraatee ka baqanayn wax ammaankooda iyo naftoodaba halis gelin kara, isla markaana goobta ay doonaan booqan karaan, iyada oo aan wax ilaalo hubaysan ahi wehelin.

Laakiin, eedaynta xukuumaddau Eng. Xirsi ku xidhiidhinayso Al-shabaab ayaa loo fasiran karaa mid ishaaro xun ka bixinaysa Somaliland oo aan cawaaqib xumada ka dhalan karta la garanayn cidda ka faa’iidaysan doonta, taas oo horseed ka noqon karta inay quwado shisheeye oo ku gabbanaya magaca argagixiso la dagaallanku soo hawaysataan carrada Somaliland, haddiiba aanay xukuumaddani casuumad u fidin maslaxadda ay doontaba ha ugu jirtee, iyadoo taasina shacbiga reer Somaliland ee neecawda xasilloonida ku raaxaysanaya ku reebi doonta qoomamo iyo nabarro riiq dheeraada oo aanay muddo dheer ka soo kaban doonin.

Iyada oo tallaabadanina u saansaan egtahay tabta iyo xeeladdii Cabdillaahi Yuusuf ku suurtogashaday in quwad shisheeye duullaan ku soo qaadaan carrada Soomaaliya ee uu ka taliyo, kadib markuu muddo badan ku qaylinayey inuu dagaal kula jiro kooxo argagixiso ah oo gabbood ka samaysanaya Soomaaliya, taasina waxay keentay in ciidamo Itoobiyaan ah oo ay dabada ka riixayaan dalalka ku bahoobay la-dagaallanka waxay ugu yeedheen argagixisada oo Maraykanku hormuud ka yahay ku qabsadaan dalkaas, iyada oo Cabdillaahi Yuusuf-na ilaa hadda gaadh ka hayaan Itoobiyaanka iyo ciidammada Midowga Afrika ee nabad-illaalinta loo geeyey, halka shacabka iyo maatiduna madaafiic wehel u noqotay, waxanna la odhan karaa xukuumadda Rayaale waxay haatan u xuubsiibatay siday dalka ugu dhiqi lahayd mid la mid ah xaaladda Cabdillaahi Yuusuf ku hoday ummadda Soomaaliyeed ee u dooratay inuu Madaxweyne u noqdo, iyada oo arrintana tusaale cad u tahay hab-dhaqanka cusub iyo eedaymaha xukuumddu muwaadiniinta Somaliland ku xidhiidhinayso ururrada lagu sifeeyey argagixisada sida Al-shabaab oo kale oo aanay maxkamad awood u leh ku caddayn dambi cad oo arrintaa ku lug leh.

Xirsi oo qudha ama aha muwaadiniinta qadarinta mudan ee dhibaatadu ka soo gaadho eedaymaha qallafsan ee beryahan dambe xukuumaddu caadaaysatay, waxa iyaduna hore u dhacday in waqtigii ay xabsiga Mandheera ku jireen madaxda urur-siyaasadeedka QARAN uu Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda Md. Yuusuf Ciise Tallaabo oo hadda ku daranyeysan Addis Ababa uu masuuliyiintaas ku sifeeyey inay yihiin argagixiso caalami ah oo ay tahay in la laayo, balse eedayntaasina markii dambe noqotay mid aan sal lahayn, cid kadaba tagtayna aanay jirin.

Waxa kale oo dhacday in Wasiirka Daakhilgu u si badheedh ah xisbiga KULMIYE ugu eedeeyey inuu ku lug lahaa qaraxyo bishii April ee sannadkan ka dhacay xarunta Golaha Guurtida, iyadoo qaraxyadaasna loo xidhxidhay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee KULMIYE iyo odayaal kale, eedaasina waxay markii dambe noqotay mid aan salkeeda lahayn.

Sida oo kale mudaharaadyo ay soo abaabuleen dad shacab ah oo baahiyo ay qabaan ku soo muujinayeen, ayaa inta ciidammada dawladdu rasaas la dhaceen, haddana lagu sifeeyey qaar ay ka dambeeyeen gacmo shisheeye oo qaran-dumis ahi, iyada oo aanay marna xukuumaddu magac-dhabin kuwa qaran-dumiska ah ee ka dambeeyey iska horimaadyadii dadku ku dhinteen ee Hargeysa ka dhacay.

Si kastaba arrimuhu ha ahaadaane waxa haddana qurux badan in arrimaha dhexdeena yaal ee sida hoose loo xallin karo aan dunida kale la maqashiin, iyada oo taasina sumcaddeenna wax u dhimi karto, laakiin eedaynta xukuumadda ee Xirsi iyo kuwa kale ee inta badan u xambaariso muwaadiniinta ayaa lagu macnayn karaa ged cusub oo xukuumaddu haatan la soo baxday.

Jamhuuriya Online


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna
Date : 2008-08-20
Gudida Hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo Warbixin Ay Soo Saareen Ku Canbaareyey Habdhaqanka Xukuummada Rayaale,

hadhwanaag 2008-08-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta war-bixin ka dhegaystay Guddi Hoosaadka Aqalkaasi ee Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyada,waxaanay gudidu ku eedeeyeen inay xoog u adeegsato mudaharaadyada ay bulshadu ku muujinayaan dareenkooda, iyaga oo
warbixintooda ku naqdiyeen Xukuumada Somaliland.

Gudida Arrimaha Guduhu waxay si adag uga dayriyeen xaalada dalka, warbixintaasi oo aad u dheerayd waxa Mudanayaasha u akhriyay Gudoomiyaha Gudidaasi Md. Siciid Cilmi Rooble,

Waxaanau u dhignay Warbixintaasi sidan:

“In muddo ahba waxaa soo kordheyay khasaaraha ay ciidamada Qaranku u geystaan dadka aan hubeysneyn. Laga bilaabo Sannadkii 2005tii ilaa 2008.
Waxaa magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco ka dhacay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac aan diyaar loo aheyn oo ay geysteen ciidamada Qaranka iyo kuwo booliiska, isla markaana halis iyo khatar galiyey nabad-gelyada iyo xasiloonada dalka.

Mudanayaal Iyadoo Xil-dhibaanadu dastuurka ka wada dheregsan yihiin ayaanu hadana jeclaysanay inaanu nuxurka warbixinta ka horeysiino xeerarka iyo qodobada dastuurka ee xuquuqda qofka iyo xorriyaadka aasaasiga ah xusay, kuwaas oo xukuumaduna caadaysatay ku xad gudubkooda, iyadoo isla markaana xil inaga saaran yahay ilaalinta Xeerarka iyo Dastuurka .

QODOBKA 24AAD EE DASTUURKA:

XAQA NOLOSHA, NABAD-GELYEYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA

1.Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2.Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad-geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

3.Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

4.Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.

Nasiib darro, Ciidamada Booliiska iyo Qaranku waxay iska caadeysteen in mar kasta oo mudhaaraad dhaco ay u addeegsadaan hub culus, taasoo in badan keentay in rabshadahaasi sii xoogeystaan, oo ay sababaan khasaare nool iyo moodba leh una geystaan dadka wax-ma-gaysatada ah oo xataa iyagoo aan mudahaaradka ku jirin rasaasta habawga ahi ee aan loo meel dayini haleesho.

Dhacdooyinka ka dhacay caasimada Hargeysa ee aynu joogno: Waa dhacdooyin soo noqnoqday oo mudaharaadyo

Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Taariikhdu markay ahayd December 25keedii, 2005kii, gacan ka-hadal ka dhashay muran dhuleed, oo dhalisay in nin lagu soo diley xaafadda Sheedaha, meydkiisu yaalay Cisbitaalka Guud ay ehelkiisii diideen in la aaso. Dhacdadan waxa ay xukuummaddu u addeegsatay 2 gawaadhida gaashaman ee Beebeega loo yaqaano ah, waxaana ku dhintey hal qof, 22 kalena way ku dhaawacmeen; halkii ay xukuummaddu ay u addeegsan lahayd wadahadal in ay ku maarayso.

Waxaa xusid mudan in goobaha caafimaadka ee bukaanku jiifo oo ay ka caagan yihiin ciidamada iyo hubkuba in lala galo in xataa hoonka gawaadhidu ka reeban yahay,nasiib daro!! Ciidanka qarankuna waxay ka rideen rasaas cusbitaalka dhexdiisa waxana naxdin iyo anfariir ku dhacay bukaankii jiifay qaarkood oo koomo(Miyir Doorsoon) ku jiray iyo dhakhaatiirtii qalika ku guda jireyba.

Wax raali galin a’hna kamay bixin xukuumadu dhacdadan foosha xun.
EX. INJI ee degsiimada Axmed Dhagax

Bishii Febreury, 5 dii 2006 dii,waxa ka dhacay muran dhul oo rabshado watay,xukuumaduna halkii xal ay u raadin lahayd waxay u adeegsatay ciidamada booliiska iyo milatariga,waxaanay isu badashay dagaal maalin dhan socday. Rabshadaas waxaa ku dhintey 2 qof oo dhalinyaro ah, isla markaana waxaa ku dhaawacmey dad gaadhaya 30 Qof.
Xaafadda Axmed Dhagax (X- Iftin)

Abriil 28keedii, 2008,waxa ka dhacay mudaharaad lagaga soo hor-jeeday magac laga badalay xaafadii Cabdi Iidaan loona badalay Sheekh Cumar. Xukuumaduna halkay xalka raadin lahayd sida iyada oo hanaanka wada hadal iyo wada xaajoodka ku dhammayn lahayd. waxay u adeegsatay xoog aan loo baahnayn , waxaanuu sababay geerida 2 qof oo dhalin yaro ah,waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo kale.

Toogashadii Beerta Xorriyada:

Taariikhdu markay ahayd May 4teedii 2008kii, waxay Ciidanka Qaranku si ula kac ah u toogteen gabadh yar oo la odhan jirey Hani Xasan Jaamac, oo aroos ka timi, saacaddu markay ahayd 10:00 habeenimo. Ilaa hadana ma jirto cid jawaab ka bixisay fal dambiyeedkaa.
Xaafada Maxamuud Haybe(X-GURYO-SAMO)

Isniintii, July 7deedii, 2008, mudaharaadkii ugu dambeyay waxa ay ka dhaceey Maxamuud Haybe, Koonfurta Bari ee Hargeysa, halkaas oo tobanaan kun oo rayid ahi isugu soo baxeen markii dambana magaalada badan keeda mudaharaadkaasi uu ku faafay.

Dadkaasi oo mudaharaadkooda ku muujinaayay biyo la’aanta haysata iyaga oo caasimadii wadanka kunool. waxa kale oo mudaharaadkaa ka qayb qaatay dadwayne kale oo ka cabanaayay sixir bararka maceeshada iyo xoolaha kootada la galiyay oo dadka intooda badan ay noloshoodu ku tiirsanayd. hadabo Dhacdadan oo dadwaynuhu ay ku muujinayeen cabashadooda halkii ay xukuumadu uga garaabi lahayd waxay ugu jawaabtay dil iyo dhaawac ay Ciidamada Qaranka iyo Booliisku fuliyeen waxaanay isu soo baxaa ku asqaysiiyey hubka culus ee lidka diyaaradaha oo aan loo kala aabo yeelin, waxaa ku naf waayey 3 qof oo dhalin yaro ah, in ka badan 10 qofna way ku dhaawacmeen.

7 July 2008 , waxa ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa u ahayd maalin dhiig daatay oo dhimasho iyo dhaawacba huwanayd, khasaare hantiyeedna dhacday.

Magaalada Berbera Oo Mudaharaad La Isugu Soo Baxay Oo Dadweynuhu ka cabanayeen Werashaddii sibidhka

Khamiis. November 16, 2006 Shan qof ayaa ku dhaawacmay khasaare badana waa dhacay ka dib markii ay dadweyne mudaharaadyaal ahi shiideen Xarumaha Haayadaha Dawlada Magaalada Berbera kuwaasi oo sabab uga dhigay mudaharaadkooda in xukuumada Somaliland Iskaraab ahaan u iibisey Warshadda Sibidhka ee magaalada Berbera taasi oo aan muddo shaqeynin sida laga warqabo. Hadaba kooxahaasi ayaa socdaal gadood xambaarsan ku maray xafiisyada Dawlada ee magaalada Berbera
Hadaba waxa halkaasi ka dhacay khasaare ay geysteen mudaharaadayaasha iyo mid loo geystay laftoodaba waxa ciidanka boolisku u adeegsadeen rasaasta nool ,waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 5 nin iyo ruux dumar ah.

Su’aal?

Ciidanka Qaranka iyo hubkiisa ma difaaca cadowgaa loogu talo galay, mise in muwaadiniintii cashuurta laga qaado lagu soo iibiyey lagu laayo?. Jawaabta waxaanu u dhaafaynaa Golahan sharafta leh

Haddaba,

Dhamaan dhacdooyinkaa dhiilada xambaarsan waxay xukuumadu tidhi guddi baanu u saaraynaa, ilaa maantana lama maqal gudiyadaasi kuwa ay yihiin iyo waxay gaadheen toona. Guddi soo saartay go’aan maynu arag maynaan maqal cidda masuuliyadeeda yeelatay oo sharciga la horkeenay taasi waxay muujinaysaa in ay Xukuummaddu ay dhacdo kasta ay ku dambabasto guddi baa loo saaaray .

XUKUNKA DEG-DEGA AH

Mar labaad dastuurku muxuu ka yidhi in dadka dhayal lagu xidho:
QODOBKA 25AAD XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA

1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

QODOBKA 27AAD

XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay.
Waxaa xukuummaddu sharci ka dhigatay ‘Xukunka Deg deg ama boobsiiska ah’ oo ay kooxda lagu magacaabo Gudiga Nabad Gelyadu sarajooga ku xukumaan dadweynaha, iyadoon la marin sida Xeerka Garsoorku dhigayo, oo maxkamadba la soo taagin.

Waxaa dhacda in eedaysanayaal faro badani ay ku jiraan xabsiyada muddo dheer, iyadoo aan maxkammad la hor keenin. Waxaa kale oo dhacda in jidh-dil loo geysto dadka la xidho iyo kuwa mudaharaadaya, oo si araxan darro ah loola dhaqmo.

Hadaba mudanayaal arimahaas oo dhami waxa ay inooga baahan yihiin in aynu hoos ugu daadagno isla markaana xukuumada ku qasabno in ay sharciga dalka u yaala u hogaansanto.

Xagga Maamulka iyo maamul daadejinta

Waxaan aad ugu mahadnaqaynaa Hay’adda Akaamdemiyada oo maamul Daadejinta oo ka shaqaysa oo samaysay Kooxo Hawleed(Working Group) oo Guddiduna ka mid tahay.

Xagga maamulka waxaa ka maqan oo meesha oo la tebayaa Goleyaal Gobol oo la doorto sida dastuurka ku cad qodobadiis 111aad, iyo 112aad ee dastuurka ayaa s fiican u qeexaya oo mar walba walba ku lamaaneeyey Goleyaasha Degmooyinka oo ay ahayd in mar lala doorto doorashooyinkii hore ee Golaha Deegaanka.

Waxaa kale, oo muhiim ah in la xuso daadejinta maamulka ama baahinta awooddaha maamul ee dastuurka ku cad Qodobaddiisa, hoos ku xusan in la daadejiyo miisaaniyaddoodii iyo dhaqaalihii ay wadatay gaar ahaan Wasaaraddaha addeegyada bulshadda gacanta ku haya ay Maamulada degmooyinka ku wareejiyaan, si ay isku filnaanshiiyo u gaadhaan dawladaha hoose ee dalku.

QODOBKA 112AAD

BAAHINTA AWOODDA MAAMULKA

1.Maamulka adeegayada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose-dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamulada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan.

2.KaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynaya.

3Kala-xadaynta ku tilmaaman faqradda 1-aad ee qodobkan, waa in ay noqoto mid suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada adeegyada bulsho.

Xog-waraysiyo aannu la yeelanay dallada dhallinyarrada ee SONYO UMBRELLA:

Kulankani waxaa uu dhacay marka ay taariikhdu ahayd 12. March.2008.
Waxay nooga warrameen wax qabadkooda,iyagoo hawshooda ugu balaadhan ku tilmaamay in ay dhallinyarrada isku xidhaan, wacyi-geliyaan, u dooddaan xuquuqdooda sida Waxbarashadda, caafimaadka I.W.M, waxaa ay nooga warrameen in ay dhallinyarradda u tababaraan hogaaminta (Leadership Skill Training), waxaanay noo sheegeen in ay mashruucii ugu weynaa ay qabtaan uu ahaa mashruuca( Leadership Organizational Development) oo ay u sameeyeen in ka badan 150 urur oo dhallinyaro ah .
Waxaa kale, oo ay sheegeen in ay samaynayaan Youth Charter oo wadamo badan oo afrikaana laga ansixiyey, waxaa kale oo noo soo jeediyeen in maalinta dhallinyarrada Somaliland ay u asteeyeen maalintii dhagaxtuurka dhallinyarrada Hargeysa ee 22.Febreury.1982kii markaa waxay noo soo jeediyeen in Xukuummadda iyo baarlamaanku noo ansixiyaan maalintaa dhallinyarrada.

Waxaa kale, oo ay ka dhawaajiyeen in jirto shaqo la’aan ba’an oo dhallinyarrada saamaysay taas oo geyeysiisay in ay u sibir dhaqaaqaan wadammadda Reer Galbeedka oo ay u sii marayaan tahriibka badaha ee khatarta badan.

Waxa xusid mudan oo dalladda dhallinyarradu nagala hadashay in ay xaqa siyaasaddeed ee dhallinyarrada ay jiraan Qodobo ka mid ah Xeerarka Doorashooyinka oo ka dabraya in ay u tartamaan xilalka Hogaamineed sida Goleyaasha Deegaanada iyo Baarlamaanka oo ah Shuruudaha musharixiinta oo ah Shuruudda Da’da oo ah imika sida ku taal Xeerka doorashooyinka Xeer.20/2001 waa in aan da’diisu ka yaraan 35 Jir maalinta Doorashada taasi ay tahay mid xuquuqdoodii ay ku lumayso waxaanay naga codsadeen in laga dhigo 25Jir .

Ugu dambayntii waxay noo soo jeediyeen in Golaha Weynaha ay ka jeediyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dhibaatooyinka dhallinyarrada la deriska ah .si goluhuna uu markaa u qaato talaabooyinkii ku haboonaa ee wax lagag qaban lahaa dhibaatooyinka da’yarta haysta gaar a’haan xaga xeerarka dalka.

Xog-waraysi aannu la yeelanay Dallada Negaad Kulanka oo ahaa 02.July.08
Waxay nooga xogwarameen in ay dhibaatooyinka ku gedaaman Bahweynta Haweenka ay badn yihiin, waxayna ka dhawaajiyeen in ay jirto waxyaabo badan oo haweenku ay tabanayaan, sida iyaga oo ah cidda ugu badan codbixiyeyaasha.

haddana kuwa ugu yare ee miiska tallada dalka lagu goynaayo ku fadhiya ,waxaa ay is dultaageen in ay jirto duruufo ku xeeran in haweenku ay tartanka doorashooyinka la galaan raga.

iyaga oo tilmaamay in jiraan waxyaabo badan oo dabraya,sida dhinaca dhaqanka oo kale. , tusaale a’haan murashaxa gabadha a’h in gabadhii ay u codayn waayeen.

Sidaas darteed, doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo deegaanadaba waxay noo soo jeediyeen in aanay doorasho toos ah waxba ku helayn balse loo baahan yahay in loo sameeyo tiro cayiman oo haweenku dhexdooda ku soo tartamaan.

Arbaca 9. July.2008 Mudaharaad hooyo iyo ubad ay dhashay ayaa ka hor mudaharaaday madaxtooyadda horteedda . oo aan noociisa hore loo arag ayaa laga sameeyay halkan kaas oo ku saabsanaa nin la yidhaahdo Abshir Xasan Xaashi oo ciidanka booliisku xidheen 28.April.2008 oo aan weli maxkammad la horkeenin oo ay ku cabanayeen xaaskaas ninkaas oo la yidhaahdo Muxubo Saleebaan oo ku dacwoonaysay hadaladeedii waxaa ka mid ahaa “waxaanu ka cabanaynaa Abshir Xasan Xaashi oo ninkayga ah, caruurtnna aabahood ah, oo aan ilaa hadda Maxkammad la keenin, isla markaana iyada oo aan wax dembi ah lagu soo oogin muddo saddex bilood ah ku xidhan Xabsiga Mandheera”

SOO JEEDIMAHA GUDDIDA ARRIMAHA GUDAHA:

Guddiga Arrimaha Guduhu waxay soo jeedinaysaa talooyinka soo socda :-

1. In Goluhu guddi baadhiseed u saaro dhacdooyinkaas, oo soo xaqiijisa khasaaraha naf iyo maalba iyo cidda ka masuulka ah in shacbiga lagu gabood falay talaabo sharci ah laga qaado.isla markaana golaha hortiisa ay yimaadaan labada Janan ee booliiska iyo milatariga iyo waliba wasiirka arimaha gudaha si wax looga waydiiyo dhacdooyinkii dalka ka dhacay oo dhan.

2. In la joojiyo Xukunka Deg deg ah ee muwaadiniinta lagu xukumo maxkamad la’aanta, lana baabi’iyo Guddiyada Nabadgelyada ee Xaaraanta ku dhisan, dastuur iyo xeer banaynayaana aanu jirin.

3. In xukuummaddu ay keento qorshe ay kaga hortegayso mudaharaadyada mustaqablka, iyadoo aan shacbiga loo addeegsan wax hub ah, noocuu doono ahaadee.

4. In ay xukuummadu Golaha hor keento soo jeedinteedii magacaabista gobollada iyo degmooyinka cusub.

5. In la sameeyo Xeerkii lagu soo dooran lahaa Goleyaal Gobol oo la mataaneeyo goleyaasha Deegaanada

6. In si deg deg ah loo sameeyo Xeerkii kala Xadaynta Gobollada iyo Degmooyinka ka hor intaan la qiimayn degmooyinka.

7. In dambiileyaasha ay maxkamada horteeda kaga cadaatay inay geysteen dilka ula kac ah, lagu fuliyo qisaas, si ay u yaraadaan dilalka .
In si deg deg Ah Xukuummaddu u samayso Faafintii rasmiga ahayd ee Xeerarka Golaha Baarlamaanku ansixiyey, si loogu dhaqmo .

8. In guddida Arrimaha Guduhu safar ugu baxo gobolada dalka, si ay ugu kuur galaan xaaladdaha diiwaangelinta, doorashoshada, nabadgelyada iyo difaaca ee dalka guud ahaan.

Guntii iyo gebogebadii, waxay guddidu cambaaraynaysaa cid kasta oo nabadgelyo darro dalkan ka wado cid kast oo ay yihiinba, waxaanay bulshoweynta ugu baaqayaan in ay nabadgelyada iyo xasiloonida dhowraan .”

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.


[ Reply ]


Pages : [ wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna 1 ] [ wasiirka arr. gudaha jsl ayaa amray in ay wakaaladda biyaha burco ka madax banna 2 ]